Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Samirali on May 26, 2019, 03:10:40 PM

Title: Su'aal: Waxan qoyan ka dareema ibta hore?
Post by: Samirali on May 26, 2019, 03:10:40 PM
Asc Dr. aad baan kaaga mahadceliniya sida kartida iyo wanaaga leh ee aad ugu adeegto bulshada.

Dr. waxa an ilaa yaraantaydii qoyaan yar oo kaadi ah ka dareema ibta hore ee buuryada, hadda waxa an jiraa 23 sanno, qoyaankaasi maaha mid dharka qayaan badan ku samaynayay oo waa wax aad u yar inta badana dareen ma leh lakin waxa aan ku cabsada inu maryaha iga nijaaseeyo sidaasna uu salaaddi dhib iiga noqdo, mudadaasna waxa an ku laabayay maro yar taas oo aan xiliga salaada nadiifiyo, taasna waxa an ka baqay in ay mustaqbalka caafimad daro igu keento. Haddii aan baadhay ciladaasna waxa an ku arkay boggaga cafimaadka urinary incontinence wax ay ku sheegeen, inkasto xaladaha ay soo taxeen ay taydu ka duwantahay. Bal digtoore ciladaas wixii aad talo iga siinaysid adigoo mahadsan.