Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdulahi.jama on July 13, 2016, 02:50:21 PM
-
Asc DR aad ban idin kaga mahadcelinayaa adeeg bulshada u haysaan
Dr waxa rabay in aan ku waydiiyo aniga iyo xaaskayga waxa aanu nahay reer cusub hadda labo bilood baanu degan nahay xaaskayga habeen dhowyd aan baaray waxa DR noo sheegay in uu jiro uur kadib xaaksa markaa waraystay ii sheegtay in ay isbadelkan isku aragtay muddo hada bil ah oo sida aan hadda qiyaasayna uuurku waa bil iyo labo beri meelahaaas.
DR Waxa shalay dhacday in aan iskutag sameynay ama ijtimaax aniga iyo xaaskayga lkn kadib gabadhu isku aragtay dhiiga markii ay suuliga tagtay dhiigoo xooga soconayay maanta wuu soo yar yaraaanayay lkn weli dhiigu waa jiraaa waxa kale aad ugu cabanaysaaa dhabar xanuun daran marka dhiigu ka yimaàdo
Marka arintaas baan rabnay in aad nagala taliso ma caadi in gabadhu uurka leh dhiig ka yimaado iyadoo bisha ugu horeysa ku jirta
Maxasae nagula.talin lahyd
Aad baad u mahasadsan tahy
-
Caadi ma ahan in dhiig yimaado hadduu uur jiro, waa dilan bilawgiis waxaa lagula taliyaa qofka inuu nasiino suubiyo kana fogaado waxii dhiiga badin karo sida qaadista culeyska, isu-tagga, socodka badan ama fakarka.
Way dhacdaa inuu uurkaas badbaado, laakiin hadduu dhiiga soo bato oo weliba xijir soo raacdo inuu dilanka soo dhameestirmo ayay u badan tahay. waa muhiim in aad dhakhtar la xiriirtaan.