Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ahmed_Carab on August 12, 2018, 10:44:35 PM

Title: Su'aal: Nacfiga Probiotics-ka?
Post by: Ahmed_Carab on August 12, 2018, 10:44:35 PM
Asc .. bacda salaam .. waxaan rabaa inaan si quman u ogaado  waxey tahay iyo nacfiga ay inoo leedahay bacteri-yada loo yaqaan "Probiotic(s)".
Title: Re: Su'aal: Nacfiga Probiotics-ka?
Post by: SomaliDoc on January 24, 2019, 11:16:38 PM
Waxaa jira qaar ka mid ah bakteeriyada oo nacfi u leh jirka, kana qeyb qaato habdhisyada jirka sida dheefshiidka oo kale.
Haddii bakteeriyadaas laga waayo jirka waxaa ku dhici kara xanuuno ay ka mid yihiin calool xanuun iyo shuban waxaana badanaa lagu arkaa caruurta iyo dadka sida xaddhaafka ah u cuna qallajiyayaasha taasoo bakteeriyadii cudurka keenaysay iyo tii fiicnaydba jirka ka dhameeyay.

Xaaladaas oo kale waxaa qofka loo qoraa daawooyin la dhaho "probiotics" oo ah bakteeriyadii laftirkeeda oo daawo ahaan loo soo sameeyay, xanuunadaas ka dhashay bakteeriyo la'aanta ayaana lagu daaweeyaa.