Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Furqaan on December 22, 2013, 02:37:48 AM

Title: Su'aal: Cudurka Varicocele ama Somalidu utaqaano Galaha ayaan qabaa
Post by: Furqaan on December 22, 2013, 02:37:48 AM
Asalamu caleykum Ditoore Illaah SWT hakaa jisi siiyo cilmigaaga aad dadka wax ugu qabanaysid hana kuu barakeeyo Aamiin. Ditoore sanad ka hor waxaa layga daaweeyey cudurkaas aan kor kusoo sheegey ee Varicole xiniinta bidix ayuu iga hayaa xanuun aan joogto ahayna waa igu hayaa dhalmadiina waa iga hor istaagey, markii layga daaweyneyay 2 takhtar ayaa iga daweysey oo i kortaagnaa waxeyna sameeyeen misigta meesha caloosha qaybta hoose ee kahooseysa kilyaha ayeey bir dhuuban oo silig ah iga galiyeen marka xiniinyahay xididada ku jira ayey waxeey ku xirayeen meel wadnaha ka hooseysa waxeeyna igu dhaheen xididadaas dhiig badan baa gala marka sidaas ayeey labararaan ka dib markii aay xididadii xiniinta kor kusoo xireen oo aan dareemey ineey xiiniintu sidii hore ahayn oo xididadii bararsnaa kor lagu xirey ayeey igu dhaheen ok baa tahay waana caafimadeysaa markaan joogey ilaa 2usbuuc sidoodii ayeey ku laabteen xiniinyihii oo xididdadii weli waa bararsan yihiin ditoore marka talo waa tii Illaah SWT talaan kaa raaba ma iska qalaa xiniinyahay mise arintii horaan ku celiyaa hadana? adigaan kaa war sugayaa shukra salama caleykum.
Title: Re: Su'aal: Cudurka Varicocele ama Somalidu utaqaano Galaha ayaan qabaa
Post by: SomaliDoc on June 24, 2014, 02:25:54 PM
Varicocele waa xanuun sida aad sheegtayba keeno in xaniinyaha dhaawac gaarsiiyo, dhalmadane saameeyo.

Sidaa darteed in dhakhso laa daaweeyo waa muhiim, xalka lagu daaweeyane waa qalliin, sida laguu qalayo, xilliga lagu qalayo iyo hadaa caafimaad ahaan diyaar u tahay, dhaawaca ku gaaray illaa iyo hada heerka uu gaarsiisan yahay iyo su'aalo kalaba waxaa kaaga jawaabi karo takhtarka aad la joogtid oo baaritaanno kugu sameyn karo, fadlan la xiriir sida ugu dhakhsiyaha badan

Qalliinka wuu noocyo badan, kan kugu habboon isagaa kuu sheegi doona, hadii kii hore fashilmay, sababaha keenay inuu fashilmo iyo in si kale laguu qalo takhtarkaaga ayaa kuu sheegi karo.

Caafimaad ayaan kuu rajaynayaa.