Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Raaliyo on June 04, 2010, 09:30:08 PM

Title: Su'aal: Qof dhasha laga xiray ma uuraysan karaa hadii loo baahdo?
Post by: Raaliyo on June 04, 2010, 09:30:08 PM
A/S  waan idin salamaay dhamaan asxaabta ama bahweynta somali doctor waxaan rabaa in wax la iiga sheego hadiii qofka dumarka la xiro lagu sameeyo STRALISEDhaday u baahto ciyaal ma dhali kartaa mise ma uraysan kartaa waxaan rabaa walalaheey soomaliyeed inay iga siiyaan wax tafatiil ah arintaas,
Title: Re: Su'aal: Qof dhasha laga xiray ma uuraysan karaa hadii loo baahdo?
Post by: SomaliDoc on June 07, 2010, 06:14:51 PM
Haddii aad ka wado xerista tubooyinka oo loo yaqaano "Tubal Ligation" waa dhowr nooc oo kala ah:
Mid qeyb laga xiro: Partial ligation
Mid qabato loo isticmaalo: Clips
Mid faraati silikoon lagu xiro: Silicone rings
Mid la isku shiilo: Electrocoagulation

Dadka badanaa isticmaalo noocaan ka hortagga uurka waa dad ugu talagalay in dib dambo aysan uur u qaadin laakiin dib ayaa loo hagaajiyaa tubooyinka iyadoo lagu sameeyo qalliin loo yaqaano: Tubal reversal.
Taasoo u ogolaan karo in haweenta ay uur qaado.