Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ahmed Gulied on December 15, 2017, 12:07:55 AM

Title: Su'aal: Hilib dheeraad ah gudniinka ka dib?
Post by: Ahmed Gulied on December 15, 2017, 12:07:55 AM
Asc dhamaan bahda Somalidoc.
Markii Lay xalaaleeyay kadib, doctorkii si khaldan ayuu u jaray buuryadii, kadib markii aan bogsaday ayaa waxaan isku arkay hilib dheeraad, ah oo intii laga jaray buuryada iyo cidhifyadii igaga soo hadhay.

Waxaan hadda ku fikkiray inaan mar labaad Dib u hagaajiyo wixii uu kharribay, haddana waxaan is idhi, doctorada la tasho intaanad arrinkaa ku dhaqaaqin, maxaad igula talin lahaydeen Somalidoc.

Waad mahadsantihiin, Ilaahayna ha idinka abaaliyo hawsha aad ugu taakulaynaysaan umaddiina.
Title: Re: Hilib dheeraad ah
Post by: CilmiSabca on December 15, 2017, 05:33:26 PM
Haddii uu gudniinkii hore qaldamay, waqtigaan na uu kugu hayo xaalad caafimaad xumo iyo wel wel kale.

Sida ugu haboon ee aad arrintaan xal ugu heli kartid, waa in aad u tagtaa Dhakhtar qalliin, marka uu Dhakhtarku  ku wareysto, wuxuu kugu sameyn doonaa baadhitaan, baadhista ka dib ayuu Dhakhtarku go'aanka ugu macquulsan gaadhi doonaa.


Haddii uusan jirin xanuun uu kugu hayo, sida kaadida oo kala firdhata, xiliyada gogosha oo aad ku dhibtootid iyo wixii la mid ah.

Waxaan kugu la talin lahaa in aad iska dhaafto oo aad arrintaan maskaxdaada ka bixisid.