Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Maskaxda => Topic started by: SomaliDoc on March 29, 2008, 01:36:51 PM

Title: Waa Maxay Calaamadaha Niyad Jabka?
Post by: SomaliDoc on March 29, 2008, 01:36:51 PM
Diiqaddu ama niyad jabku waxay dadka wax u yeeshaa si kala duwan. Waxay soo saartaa calaamado kala duwan, kaasoo noqon kara qaar jirka ah, ama nafta

Dadka ka cabanaya diiqadda waxa laga yaabaa (in ay ku dhacdo):


1- Waa maxay diiqaddu ama niyad jabku? (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=878.0)
2- Meeqo nooc oo niyad jab ah ayaa jirta? (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=890.0)
3- Waa maxay calaamadaha diiqaddu/niyad jabku?
4- Maxaa dhaliya diiqadda/jiyad jabka? (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=909.0)
5- Sidee loo daaweeyaa diiqadda/niyad jabka? (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=910.0)
6- Noocyada daawooyinka ee diiqadda/niyad jabka? (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=915.0)
7- Maxaan samayn karaa ee naftayda ku caawiyaa? (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=916.0)
8- Maxay saaxiibadu iyo reerku samayn karaan inay i caawiyaan? (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=917.0)

Wixii su'aalo ah ee ku saabsan mawduucaan halkaan ku weydii
SomaliDoc
Title: Re: Waa Maxay Calaamadaha Niyad Jabka?
Post by: Abdiselamhaji on July 25, 2016, 07:55:53 AM
Acwr. Dhaqaatiirta sharafta leh wad kumahadsantihin hawshaas noo haysana. Intaa kadib diktoore anoo yar baa Waxa ladilay walalkay yar kadib naxdintaa naxay hurdo wan kago'ay dadkuna dawadeeda ma aqoon anigu waaba shoogay markii danbe. 2bil kadib wan iska fiicnaaday Ayaan ban hadba dhuun xanuun dareemi jiray. 2002 baa hadana xabad isigtay aadbaan unaxay asbuuc kadib astaamihi hore bay igu soolabtay dhuun xanuun, baqdin. Hurdo la'aan. Ilaa aan markii danbo sariir lafuulay shoog dartiis iyo naxdin. Waan raystay 2010kii anoo qadar jooga baan hadana geeri naxdin leh igu dhacday isla hameenkii walwal iyo tabar dari cudurka gaaska iyo walwal iyo hurdo la'aan baan isku arkay asbuuc anoo yaaban ban dhaqtar utagay kaniini hurdo iyo mid gaas buu isiiyay waana ku fiicnaaday. Gaaskii igama harin marna. Dhamaadkii 2013 baan shil wayn galay oo lasuuxay waxna ima gaarin ilahay mahadiis balse waa kaxay dhagta dabadeeda unbaa ijeexantahay. Sanad kadib shilkaas 2014 Mar aan Somalia imaaday baa gaaskii iyo walwal igu kaceen Xamar dawo wan kawaayay Nairobi baa la iiqaaday dhuunta tuba layga galshay nabar malihid gaaskaaguna waa yaryahay baa lay dhahay balse dhuunta iyo caloosha meeshay iska galaan baa furan saasay cuntada kuugu soo laabanee reflux. dawada diiqada ama walwalka baa la iigu daday. Coprelex 10 iyo mid kale . Cudurka runtii sariirtaan lasaarnaa meelaan ixanuunayn malahayn niyad jabna waa jiray iyo quus. Axl. Labaatan bari kadib waan kasoo raayay markan dawadaas qaatay dibad ubax ayaana bilaabay 2bilod iyo bar kadib ban dawadii joojisay. Dalkaygii qadar ban kulaabtay halsano oo cafimaad ah baan soo shaqeestay. Mar dhaw ban Somalia imid may 1deeda 2016 ramadaankii bilawgiisii baa cudurka kaduudiye igu dhacay kadibna gaaskii buu igu kacshay hadana astaamihii walwalka iyo hurdo la,aanta baa soo laabtay 3bari hurdo la'aan caloosha oo nabar camal ii daqnata walaac iyo diiqad kadib dhaqtar ban utagay dawadii horee Nairobi layga siiyay baan tusay iyada bilaw buu dhahay ciprelex 10 iyo waxuu iigu loran1 oo hurdaa. Axl waan seexday laakin walwalkii wuu jiraa waxaana iaticmaalaya 5bari ilaa hada.
Ee cudurkaan soolaalaabanaya oo walwalka iyo naxdinta aanan geeridaba udulqadan karin maxaa lagu daweeyaa bal talo Fiican iga siiya. Dawadaan ciprelex 10 sano wadbuu idhahay marka fikirkaaa mala qabtaan waxtarkeedase kawarama naxdintaan mayarayn kartaa. maxaase kaloo igula talinaysaan adinko mahadaa