Somali Medical Forums

Health Related Forums => Health News and Events => Topic started by: Shenamic on May 31, 2011, 12:18:03 AM

Title: ICRC oo ka walaacsan in daryeelo la'aan u dhintaan dhaawacyada faraha badan ee M
Post by: Shenamic on May 31, 2011, 12:18:03 AM
Hay’adda ICRC ayaa sheegtay in Isbitaalada ay Maamusho ee Muqdisho ay buuxdhaafiyeen dhaawacyo aad u farabadan, iyadoo dhinaca kale codsatay tageero maaliyeed oo deg deg ah.
Hay’adda ICRC ayaa sheegtay in si aad ah ay u buuxdhafiyeen Isbitaalada ay Maamusho ee ku yaala Magaalada Muqdisho dhaawacyo aad u farabadan oo kusoo waxyeeloobay dagaalada iyo duqeymaha ka soconaya Muqdisho iyo gobolada dalka Soomaaliya.

ICRC oo ka howlgasho wadamo farabadan oo ay ka mid yihiin Soomaaliya Pakistan, Sudan, Congo, iyo wadamo kale oo dhowr ayaa waxaa ay siisaa  deeqo dawo ah iyo daryeel Caafimaad is Isbitaalada ku yaala dalalkaasi oo ay ku jiraan dhaawacyada.

Sida uu u sheegay Wakaaladda Wararka dalka Kuwait oo loo yaqaano (Kuwait News Agency) Jakob Kellenberger oo ah Madaxweynaha Hay’adda ICRC, waxaa uu codsaday taageero Maaliyeed oo deg deg ah si wax loogu qabto dadka dhibaataysan iyo bukaanada buuxdhaafiyay Isbitaalada Hay’adaasi ay Maamusho ee ku yaala Magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka.

4-dii maalin ee lasoo dahafay ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ka soconayay dagaalo culus oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo garabsanaya kuwa AMISOM iyo Xarakada AL Shabaab, kuwaasi oo sababay dhimashada iyo dhaawac dad badan oo ay iminka la ciir ciirayaan Isbitaalada ku yaala Muqdisho.

_________________________________________________________
Source: www.xusuus.com (http://www.xusuus.com)