Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Manna on September 16, 2015, 09:11:53 PM

Title: Su'aal: ku saabsan sariingo?
Post by: Manna on September 16, 2015, 09:11:53 PM
asc dhaman bahda dhaqatirta wan idin Salamaya salaan kadib su'aasha qaba waxey tahay waxa looyaqano saliingo ama sariingo oo ah in uu qofka dido marku maqlo xoqida shey bir ah marki laxoqo dhawaqa kaso baxayo oo uu ad u dhibsado ama jiriricyo korkisa dhan ay ka kacdo mxa sababo ma xaalad caafimad daro baa mise wa waxkale
Title: Re: Su'aal: ku saabsan sariingo?
Post by: SomaliDoc on September 18, 2015, 11:37:59 AM
Horay ayaan uga jawaabnay su'aashaan, ka akhriso halkaan jawaabta waxa saliilyadu ay tahay iyo waxa keeno intaba: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2901.msg9371.html#msg9371 (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2901.msg9371.html#msg9371)
Title: Re: Su'aal: ku saabsan sariingo?
Post by: Manna on September 19, 2015, 02:54:21 PM
walal wad mahadsantahay lkn saliilyada maha mid an ilkaha kadaremayo ee wa mid jirka ah wilibo marka an maqlo dhawaqa shey bir kasameysan oo wax lagu xoqo ama xata gacantaba halugu xoqe midakale link a iso galisen wuxu ka hadlaya xuunka ilkaha Waxan umaley inaysan is wafaqsaneyn su'aashi hore iyo link, thanks
Title: Re: Su'aal: ku saabsan sariingo?
Post by: SomaliDoc on September 22, 2015, 01:25:51 PM
Sorry, link-ga saxda ah waa kanaa ee akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6101.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6101.0)
Haddii aad faahfaahin dheeraad ah u baahan tahay ama su'aalo kale qabtid isla halkaan ku sii qor.
Ogow saliilyadu marba qofka si ayuu u dareemaa, marka qofka ilkaha kaliyaa xanuuno marka jirka oo dhan ayaa jiririceeyo xitaa dadka qaar dhagaha ayaa xanuuno ama cuncuno, dadka qaar way la matagaan markii ay maqlaan laba shay oo la isku xoqay.
Title: Re: Su'aal: ku saabsan sariingo?
Post by: Manna on September 22, 2015, 04:35:19 PM
thanks Somali doc
mxa looyaqana terminology ahan ama English ahan cudurka saliilya tan jirka laga daremo oo kaliya, not the one of  teeth ee dentis hypersensitivity
Title: Re: Su'aal: ku saabsan sariingo?
Post by: SomaliDoc on September 27, 2015, 11:19:48 AM
Saliilyo lama dhaho wax jirka aad ka dareento markaa maqashid codad ama shanqaro gooni ah, waxaa caafimaad ahaan loo yaqaanaa "misophonia" maan ahan cillad ka socoto ilkaha.
Markay cillada jiriiricada ilkaha laga dareemo ayaa la dhahaa saliilyo.
Misophonia waxaa kaloo loo yaqaanaa "selective sound sensitivity syndrome" mana ahan cudur ee waa xaalad dadka qaar ay qabaan oo aan caafimaad ahaan la fasiri karin, dadkuna ay ku kala duwan yihiin waxyaabaha ay dhibsadaan.
Waxyaabaha la dhibsado waxaa ka mid ah:
1- Shanqarta ka dhalato markii cidida lagu xoqo sabuurada.
2- Qofkoo wax shanqar leh kugu ag cuno ama kugu ag ruugo sida daangada oo kale.
3- Alaab dhulka lagu jiido oo kale ama carpet korkiisa.
4- Lugahaaga oo qallalan haddaa dharka aad hugsan tahay ku xoqdid oo kale.
5- Codka ka dhasho markii alaabta ay isku dhex daadato khaas ahaan qaadooyinka iyo wixii la mid ah.
6- Jinyeerka surwaalka ama jaakada markii la xirayo oo kale.

Kuwaas kore waxay ka mid yihiin kuwa ugu caansan laakiin waxaa jiro boqolaal waxyaabo kale oo arintaan keeni karo, dadkane way ku kala duwan yihiin.
Title: Re: Su'aal: ku saabsan sariingo?
Post by: Manna on September 27, 2015, 02:08:48 PM
thanks doctor, jazakallah