Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Osman77 on August 09, 2010, 02:12:41 AM

Title: Su'aal: Qandho badan oo ilaa mudo
Post by: Osman77 on August 09, 2010, 02:12:41 AM
asc aan idiin sallamy bahda somalidoc waxan rabaa inna ogada qandhada ila mudad ah ooan garan wayay mana ahan maleeriyo oo waalayga wayay maxaa kaloo ookeeni karo adinkoo mahadsan ?
Title: Re: Su'aal: Qandho badan oo ilaa mudo
Post by: SomaliDoc on August 13, 2010, 03:37:22 PM
Qandhada waxaa keeni kara cudurro badan oo kala duwan waxaana lagu ogaan karaa iyadoo qofka la wareesto, la wiisiteeyo lana baaro.
haddii intaa ka dib la ogaan kari waayo waxaa caafimaad ahaan qandhadaas loo yaqaanaa "Fever of Unknown Origin (FUO)" oo macnaheedu tahay qandho aan la garanayn.

La xiriir takhtar si loo ogaado waxa aad ka cabanayso, ama faahfaahin dheeraad ah ka bixi qandhada aad ka cabanayso ilaa heerkee gaarsiisantahay heerkulkeeda, goormee ku qabataa, dhidid may wadataa, qarqaryo ama jarayn, maxaa calaamado ee la socda oo kale.

SomaliDoc