Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Choukri on January 15, 2015, 11:13:42 AM

Title: Su'aal: Bararka lugaha iyo kuranta?
Post by: Choukri on January 15, 2015, 11:13:42 AM
asc wallah bahda cafimaadka somalidoctor waad mahad santin dhamantin .waxan raaba suu:aasha hooyaday oo qof haad jiirta 50 sano oo misan kedona yahay 80ilaa85 itaah udhaxaysa ayaah qabta barar tugaha hose mudo 5 sano ahaa wahana geyay dhowr dhakhtar waa hayna uuso qoren dhar dawoyin  xiita dhiga wayka qaden .dawoyin badan ooy kamiid tahay anti-bacteria iyo dawoyin infection ka ahaa wahayna kuu sheegen milixdah kadida inay leday. waah isbadalah kuma dhicin ilaah had. wahay haad daremaysa xanunun iyo culays iyo xididadah oo gontamay onaa muqdah ee wll waxan idinka codsanay imaad wax taloyin ama dawooyin ahaa on sinkaro ishegtan .wanaad idiinka mahad celiinay dhamantin wllo. waa bilahiy towfiiq.byyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyy
Title: Re: Su'aal: Bararka lugaha iyo kuranta?
Post by: SomaliDoc on January 17, 2015, 12:09:23 PM
Caga bararka waa calaamad cudur oo ka imaan karta wadnaha, kilyaha ama beerka, khaas ahaan hadduu qofka qabo dhiigkar ama sonkor ama kolestarool.

Calaamadaha kale ee la socon karo caga-bararka wadnaha uu keeno waxaa ka mid ah: Neef-tuur, daal dhakhso ah, tabardarri, qofka oo hurdada ku xun habeenkii ama caloosha oo fadhido, marmarka qaar waxuu qofka yeelan karaa wadna garaac ama wareer.
Halkaan ka akhriso, xanuunka howlgabka wadnaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,520.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,520.0.html)

Fadlan maamada haddii ay dhiig kar qabto, u geey takhtar wadne "Cardiologist" si loo fiiriyo in dhiigkarka uu wadnaha saameeyay iyo in kale.
Haddii aysan qabin dhiig-kar waa in aad la xiriirtaan takhtarkii daawooyinka u qoray oo aad waydiisaan waxa uu ku arkay baaritaanka, haddii aysan weli kala caddayn xanuunkeeda, la xiriira takhtar cudurrada guud "Physician" idinkoo warbixinta maamada oo dhameestiran siinayo takhtarkaas.

Caafimaad ayaan u rajaynayaa maamada.