Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: Admin on November 03, 2014, 07:43:39 PM

Title: Iska Ilaali Khatarta Malabkaan (Etumax Royal Honey)
Post by: Admin on November 03, 2014, 07:43:39 PM
(http://somalidoc.com/Topics/khatarmalab.png)

Malabkaan waa malab sida ku qoran loogu talagalay in ay adeegsadaan ragga ka cabanayo awood darrida galmada iyo kacsi la'aanta.
Waxay shirkadda samaysay sheegtay in laga sameeyay malab dabiici ah oo waxne lagu darin, shinni muhiim ah oo Malaysia ku nool in ay samaysay!!!.

Malabkaan isticmaalkiisa oo aad loogu batay oo ay dhalinyaro badan ku kadsoomeen iyagoo xitaa aanan qabin cillad xaga ragannimada ah.

Sidaa darteed waxaan rabaa in aan uga digo, lana socodsiiyo qofkii isticmaalo ama yaqaanno qof isticmaalo ama gadaba inuu la socdo khatarta uu malabkaan leeyahay oo ah in markii baaris lagu sameeyay ka dib lagu ogaaday in ay ku jirto daawo kiimiko ah oo aan la qaadan karin inuu dhakhtar kuu qoro mooyee.

daawada lagu soo dhex qasay malabkaan magaceeda waxaa la yiraahdaa "Tadalafil" waa daawo loo isticmaalo kacsi la'aanta iyo hami yarida oo la mid ah daawada loo yaqaano "Viagra", akhriso dhibaatada daawada feegada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3443.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3443.0.html)

Waa daawo halis galin karto caafimaadka qofka hadduu qaata isagoo dhakhtar u qorin khaasatan hadduu qadar badan ka qaato.

Sida sawirkaan aad ku arkaysaan, baakadkaan waxaa ku jiro dhowr bacood oo yayar oo malab ku xiran oo loogu talagalay inaad isticmaasho markaa u baahatid oo weliba aan la xadidin qaabka aad u isticmaalayso ama inta aad ka qaadanaysaba.

Dhibaatooyinka ay daawadaan keeni karto waxaa ugu horreeya, Madax xanuun, Aragga oo daciifo, Dhiig kar, Murqo xanuun siyaado ah oo u badan murqaha barida, bowdyada iyo dhabarka qeybtiisa hoose, taasoo keeni karta in murqaha ay howlgabaan oo qofka dhaqaaqi waayo.

Fadlan macluumadaan gaarsii asxaabtaada, si ay uga fogaadaan khatartaan oo ah mid dhab ah oo aan indhahayga ku arkay.

Wadanka sacuudiga markii cabashada ku aadan daawadaan isbitaalada ku badatay waa laga mamnuucay dadkii soo geliyayne xabsi ayaa la dhigay, haddii aad booqataan webka ay shirkadaan leedahay waxaad arkaysaan in ay malabkaan ku badaleen daawo kale oo ay leeyihin way ka faaido badan tahay oo aanan la garanayn iyadane waxa ay ka samaysan tahay inkastoo ay ku qoran tahay dabiici 100%.

Fadlan haku kadsoomin daawooyinka lagu soo qoro inay dabiici yihiin, maxaayeelay ganacsi ahaan ayaa loogu soo qoraa.

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
Title: Re: Iska Ilaali Khatarta Malabkaan (Etumax Royal Honey)
Post by: Hamse Mohamed on May 30, 2015, 10:06:06 PM
 jazak allah yaa Dr :