Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ilias Abdi on July 02, 2016, 02:59:31 PM

Title: Nafaqada Iyo Caafimaadka Mooska!.
Post by: Ilias Abdi on July 02, 2016, 02:59:31 PM
 Asc doctor

Waxaan rabay inaad ii sharaxdo sababta mooska ay u cunaan ciyaaryahanada tenis ka ciyaaro waqtiga yar ay fadhiyaan iyo kuwa kubada cagta ciyaaro waqtiga 30 daqiiqo ee dheeriga ah ee lagu daro ciyaarta maxayna tahay sababta ay u isticmaali wayen qudaarta kle iyo wax yabaha u dheeryahay mooska qudaarta kale  ee u isticmaalan marwalba

Jazakallah doc.
Title: Re: Su'aal: Maxaa mooska loo cunaa?
Post by: SomaliDoc on August 01, 2016, 05:45:27 PM
(http://somalidoc.com/Topics/moos.png)

Qofka markuu aad u ciyaaro ama juhdi badan bixiyo waxaa jirka ku bato maadada Sodium-ta ama cusbada, tanoo cadaadiska dhiigga kicin karto, mana u roono caafimaadka wadnaha iyo maskaxda, sidaas awgeed, mooska waxaa ka buuxa maadada loo yaqaano "Potassium-ta", maadadaan waxay hoos u dhigtaa cusbada jirka ee sodium-ta.

Maadaama ciyaartoyda ay maskaxdooda aad uga shaqaysiiyaan, oo uu ku dhaco waxa loo yaqaano "Daalka maskaxda", mooska waxaa ku jiro borotiin loo yaqaano "Tryptophan" oo maskaxda firfircooni siiso oo qofka markuu ciyaarta ku laabto wuxuu helayaa foojignaan.

Intaas waxaa sii dheer in mooska laga helo tamar iyo awood nafaqo maadaama uu qofka daalan yahay, wuxuu kaloo yareeyaa dareenka oonka.

Intaas oo la isku daray, mooska waa faakihada ugu fiican ee la cuno markaa howl culus qabatid sida ciyaaraha banooniga, tennis-ka iyo wixii la mid ah.

Faa'idooyinka kale ee Moosku leeyahay:

Mooska waa faakiho ama khudrad caafimaad badan laga helo, laakiin waxay cilmibaarayaashu isku waafaqsan yihiin in midka aadka u bisil uu ka waxtar yar yahay midak biseelka billaabi rabo ama xoogaa cayriinka ah.
Sidaas awgeed haddii aad mooska caafimaad ahaan u cunaysid, cun moos aan safiican u bislaanin.

Caafimaadka Qaraha: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5841.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5841.0)
Caafimaadka Babayga: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6819.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6819.0)
Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)