Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Alkatra on April 06, 2016, 12:10:52 PM

Title: Su'aal: Maxaa dhibaado ah ayaa lagala kulmi karaa hadii haweynee caado Qabto loo jamaco?
Post by: Alkatra on April 06, 2016, 12:10:52 PM
Asc waaa idiin salamay bahda Somalia doc salan ka dib waxan idinku mahad celina hoosha aad u haysaan bulshada Somaliyeed hadii aan inta ugu gudbo waxaa rabaa hal su'aal inaad iga jaahil bixisaan


Maxaa dhibaado ah ayaa lagala kulmi karaa hadii haweynee caado Qabto loo jamaco ? Dhiiga ka imaanayo ee tabanaayo farjigaa ma laga yabaa ineey sameen ku yeeshan raga nimada yacni ineey ka dhigaan ma dhale ?
Title: Re: Su'aal: Maxaa dhibaado ah ayaa lagala kulmi karaa hadii haweynee caado Qabto loo jamaco?
Post by: SomaliDoc on April 13, 2016, 02:48:16 PM
Haweenka oo loo galmoodo xilliga caadada diin ahaan sax ma ahan, caafimaad iyo nadaafad ahaane ma fiicno, xilliga caadada isbadal ayaa ku dhaca xubnaha taranka haweenka, kuwaasoo aad u jilicsan, si sahlane qofka infekshan ku qaadi karo ama dillaac dhiig bax imaan karo maadaama xididada ay sagxada kare u soo muuqdaan.
Way dhici kartaa intaas in ka badan inay jirto oo laakiin aan weli la aqoon, sababtoo ah waxyaabo badan oo diintu naga reebtay oo waqtiyo dhaw la ogaaday ayaa jira.
Title: Re: Su'aal: Maxaa dhibaado ah ayaa lagala kulmi karaa hadii haweynee caado Qabto loo jamaco?
Post by: Alkatra on April 16, 2016, 04:32:42 AM
Waad mahadsan tahay dr su'aash hadii aan sii daba dhigto Ma laga yaaba ineey habeeneyda iyadaa dhibaad dhaan dhamada ka qaado ama aay noqdo naag aan dhaleen ?
Title: Re: Su'aal: Maxaa dhibaado ah ayaa lagala kulmi karaa hadii haweynee caado Qabto loo jamaco?
Post by: SomaliDoc on April 29, 2016, 09:52:03 PM
Kuma xirno dhalmada laakiin haddii cillad infekshan ka qaado oo aysan iska daawayn wey keeni kartaa.