Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abshir Jaras on February 28, 2017, 11:09:34 PM

Title: Su'aal: Wiil An Dhaley Oo Hal sano Iyo Labo Bilod Jira?
Post by: Abshir Jaras on February 28, 2017, 11:09:34 PM
Sc Dictor marka Hore Wan Ku salamy Marxiga Waxn Aad kaga mahad celinaya Aqoontan Ad noso Kordhisey Illahy Ha Kaa Abaal Mariyee Waxa Jira Wiil An Dhaley Oo Halsono Iyo Lbo Bilod Jira Wiilkas Ma faristo  isma Rago xaga Maskaxdisuna Waa Maqan Tahy Dhakatir Neerfe Ban u Geyey Blse wax Is Badla Kuma Hayo Ee Faflan Hadad Wax Iga Fahan sin Kartid Iga Cawi

Asalmu Kalykum
Title: Re: Su'aal: Wiil An Dhaley Oo Hal sano Iyo Labo Bilod Jira?
Post by: SomaliDoc on June 05, 2017, 03:10:50 PM
Cilladaan waxay dhakhaatiirtu u taqaanaa "Cerebral Palsy", waa cillad xaga neerfaha taasoo ka dhalatay dhaawac badanaa cunuga gaaray xilliga foosha, waxaa badanaa lagu arkaa caruurta kafka ku daaho, caruurta biraha lagu soo jiido, caruurta yixda cabo oo kasjiinta ku xiranto iyo caruurta markay dhashaan ka dib xanuunsado. Cilladu waxay badanaa ka dhalataa hawada oksajiinta oo msakxda ka xiranto caruurta dhallaanka ah, markaasoo maskaxdu curdan tahay, waxaa markaa naafoobo maskaxdii, cunuggii waxaa ka taga awoodii, dareemihii, waxaana badanaa waalidiinta ku baruurugaan markii laga waayo inuu qoorta ceshan waayo, isgadin kari waayo ama fadhiisan waayo ama hadaaqi waayo.

Cilladaan way dhib badan tahay, caruurtane badanaa kama kabsadaan, qaarkoodne sidaa ayay ku koraan. wixii faahfaahin dheeraad ah kala kaasho dhakhtar ku takhassusay caruurta, isagaa kaaga jawaabi doono markuu arko cunuga xanuunsan. Caafimaad buuxa Alle hakuu siiyo.
Title: Re: Su'aal: Wiil An Dhaley Oo Hal sano Iyo Labo Bilod Jira?
Post by: Abshir Jaras on June 06, 2017, 09:55:06 PM
Mansha Allh Dictor Allehy Caqligaga Iyo Aqontada Ha Ku Siyad Waa Inta Aad shegty Xitaa Qoota Ma ceshan Karo Kafkuna Ku Dahay Ogsajiinta Ku dhagty Hada Waxa Siyaa Sharobo Doctor Carura Ku taqaqusy Isna Waxuu usoo Qory Sharibo Tegratol Iyo Calsiam Wax Isbadlana Kuma Hayo Waxn Is Iri Mar Waxd Geysaa Wadmada dhaqatirna Aqoonta Buxda Leh Jogto Ma la Gayabaa Inuu Isagoo Sida uJifa Ku Garo Ilaa Her Qan Gaar Alle Cafimad Hasiyo Aamiin


Fadlan Hada Itilma mi Karto Dalkee Wax Laga Ga qaban Karaa
Title: Re: Su'aal: Wiil An Dhaley Oo Hal sano Iyo Labo Bilod Jira?
Post by: SomaliDoc on January 24, 2018, 08:04:20 PM
Walaal wax ka qabashada xanuunkaan Curyaamidda Maskaxda ee "Cerebral Palsy" wuu xadidan yahay, Inta la ogyahay oo laga qaban karo ma badno, wuxuu ka mid yahay cudurrada illaa iyo hadda aan wax laga qaban karin, Laakiin Alle ayaa caafimaadka bixiyo, in qof aadan filanayn kuugu soo dhiibane waa suuragal, haddii aad awoodid inaad meelo kale soo fiirisid waad aadi kartaa, laakiin rajo la'aan iyo quus haka qaadin awoodda iyo naxariista Eebbe.

Caafimaad Allaha kuu siiyo cunugga.