Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: Pharmacist on December 19, 2007, 03:57:23 AM

Title: Sidee bay daroogooyinku u saameeyaan qofka?
Post by: Pharmacist on December 19, 2007, 03:57:23 AM
Saamaynta ay leedahay daroogadii kastaaba waxay ku xiran tahay dhowr qodob. Waxayna kala yihiin:

Nooca daroogada la qaatay.
Daroogooyinka oo dhan waxay u saameeyaan dadka kala duwan siyaabo kala duwan.

Inta ay le’eg tahay daroogada la qaatay iyo inta jeer ee la qaatay.
Guud ahaan, hadba inta ay le’eg tahay xaddiga daroogada la qaatay, ayey le’eg tahay saamaynteedu. Qofka waxaa dhibaato ka soo gaari
kartaa iska badinta daroogada haddii xaddiga daroogada uu qaatay ay ka sarrayso inta jirkoodu awoodda u leeyahay inuu la qabsado.

Sida loo qaatay daroogada.
Daroogooyinka laysku duray ama la neefsaday waxay u falgalaan si dhakhso ah, saamayntooduna badanaa waa mid xoog badan.
Ka-qaadashada sanka ayaa ah tan ku-xigta habka falgalka, halka daroogooyinka la cuno ama la liqo ay u qaataan waqti dheer inay
saamayn yeeshaan.

Astaamaha jireed.
Qofka dhererkiisa, miisaankiisa iyo jinsigiisa ayaa ayaguna saamayn kara saamaynta daroogada. Qiyaasta baruurta jirka, qiyaasta cuntadu uga mid noqoto jirka iyo marxaladda caadada haweenku marayso ayaa dhammaantood saamayn kara dhakhsaha iyo waqtiga ay qaadanayso saamaynta daroogadu.

Dareenka iyo bey’adda uu ku sugan yahay qaatuhu.
Sida uu wax u dareemayo qofka iyo halka ay ku qaadanayaan daroogada ayaa saamayn weyn ku leh saamaynta daroogada. Qofka ayaa laga yaabaa inuu aad ugu raaxaysto dhacdada haddii uu ku jiro bey’ad bulshadeed farxad leh, halka uu ku jiri lahaa bey’ad ka soo horjeedda.

Daroogooyinka kale ee la isticmaalay waxa ay yihiin.
Isku-darka daroogooyinku waxay badin karaan ama baddali karaan saamayntii caadiga ahayd oo badanaa ka dhigaan kuwo aan la sii saadaalin karin.

La soco qeybaha ugu waaweyn ee daroogada iyo laqabsigeeda

Real Pharmacist