Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on May 17, 2017, 02:55:57 PM

Title: Dadka Qaarkood Oo Hamaansiga Isku Daarto.!
Post by: SomaliDoc on May 17, 2017, 02:55:57 PM
(http://somalidoc.com/Topics/hamaansi.png)

Bismillah,

Hamaansiga la isqaadsiiyo ama la isku daarto waxaa afka qalaad lagu dhahaa "Contagious Yawning", taasoo ah macnaheeda in haddii aad la kulantid qof hamaansanayo in aad adiguna hamaansatid.

Sida caadiga ah, hamaansigu wuxuu la xiriiraa caajiska, hurdada iyo isbadalka heerkulka cimillada, laakiin nuucaan la isku daarto wuu ka duwan yahay.

Waxay cilmibaarayaasha isku dayeen, welina aysan ka quusan inay ogaadaan sababta rasmiga ah ee ka damabaysa in hamaansiga la isqaadsiiyo, illaa iyo hadda jawaab rasmi ahne lama haayo, laakiin waxaa la isku waafaqsan yahay dhowr arrimood oo kala ah:

Rasuulkeena suuban NNKH wuxuu noo sheegay in afka aan daboolano markaan hamaansanayno si uusan shaydaanka afka nooga galin ama noogu qoslin, wuxuu kaluu noo sheegay in shaydaanka uu xididada dhiigga bini'aadanka uu raaci karo, waxaa kaloo jiro xadiith oranayo in shaydaanka uu keeno hamaansiga inkastoo culumada u fasiraan dhinaca caajiska iyo caga-jiidka, marka waa suuragal in hamaansiga uu la xiriiro arrimo aan cilmibaaris lagu ogaan karin ama bini'aadanka uusan fahmi karin!.

Aqoon oo dhan Alle ayay u sugnaatay, laakiin illaa iyo hadda jawaab lagu qanci karo lama haayo oo aan ka ahayn in is-qaadsiinta hamaansigu ay tahay "Isku dayasho aan kontaroolnayn!!".

Haddii aad su'aal caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)
http:/somalidoc.com