Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Saciid145 on March 18, 2017, 10:53:27 PM

Title: Su'aal: Nabro dhiicaan wata oo Gacmaha iiga Soo baxa?
Post by: Saciid145 on March 18, 2017, 10:53:27 PM
Asc Dr Waan ku salaamay waxaan Rabaa inaa ku weydiiyo Mudooyinki Danbe waxaan 2 Gacmo Inta Faraha iyo ku Heersan waxaa Iiga Soo baxaye Nambaro afka dhiicaan Ku wata Ilaa Hada ma ogi sababta keentay Waxaas waxaan tagay Dr waxa uu Ii diray Dhig Isfilito waxuuna iiso qoray  Daawooyin iyo saabuun Dettol lagu magacaabo Saabuubtaas markaan Cuntada cuno ayaa Gacmaha islaga Dhaqaa  waxaan Hada Dareemayaa In ay Xoogaa sidi hore  Nambarhaas iiga joogsadeen  Nambaraha waa kuwa markaas bajiso biyaha ka imaanaya  waxaana Inta Jinta gamaha ku xeeresan ah waxaa mexe yihiin

Mida kale iyana waxaan Qabaa Burukiito Kuleel igu gashay oo Neef isku badashay  hada marki ley qabto waxaan isticmaalaa Vuntiliin  iyna  Maxaa xal ah

3 Qoor xanuun waxaan qabaa iyadoo aan juciyo daqiiqad walbo Xitaa waxaan Madax gadaal U tuuuraa iyadoo Qoorta hoosteeeda ilaa feeraha i jucanaayan maxaa iskga joojin karaa iyana
Wabilaahi towfiiq  allah Mahad leh jawaab wacan
Title: Re: Su'aal: Nabro dhiicaan wata oo Gacmaha iiga Soo baxa?
Post by: SomaliDoc on June 21, 2017, 02:39:43 PM
Nabro qoyaan wato oo gacmaha ka soo baxo waxyaabo badan ayaa keeni karo, isfiilitadu waa ka mid, marka dhakhtar cudurrada maqaarka inaad la xiriirtid ayaa haboon si loo kala ogaado.

Midda labaad, Ventolin haddii aad isticmaashid oo aad ku raysanaysid, waxa ku haayo maahan burunkiito ee waa Neef ama Xiiq, halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=351.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=351.0)