(http://www.mountnittany.org/assets/images/krames/112558.jpg) | Waa kuwee cuntooyinka ilaha fiican u ah macdanta xadiidku? Caddadka habboon ee macdanta xadiidka waxaad ka helaysaa cuntada kaladuwan ee isku dheellitiran. Cuntooyinka soo socda ayaa gaar ahaan ilo fiican u ah macdanta xadiidka: • Hilibka cas ee aan barruurta lahayn • Shimbiraha “turki” loo yaqaanno iyo digaagga • Waxaa la iska og yahay in beerka ay ku badan tahay macdanta xadiidku, laakiin beerka LAGUMA talinayo inay haweenka uurka leh cunaan sababtoo ah waxaa ku badan Fiitamiinka A • Kalluunka, gaar ahaan kalluunka saliidda leh ee la barafeeyey ama qasacadda ku jira (sida ka la yiraahdo “mackerel” ee badi bara-baraysan, saaraadiinka iyo kuwa yar yar ee la yirahado “pilchards”) • Ukunta • Heedda quraacda – heedda qaarkeed waxaa lagu ‘xoojiyey’ macdanta xadiidka • Iniinaha iyo digirta - gaar ahaan digirta qasacadda ku jirta, xaydarada iyo misirka • Looska (xataa subagga looska leh) iyo iniinaha miraha • Bariiska maariinka ah •Tofu • Rootida, gaar ahaan rootida badarka dhan ama rootida maariinka ah • Khudaarta caleemaha cagaaran, gaar ahaan noocyada kaabajka. • Miraha la engejiyey gaar ahaan miraha midabka oranjada leh ee la yiraahdo ananaaska ee la engejiyey, sabiibka iyo miraha yar yar ee midabka madoow leh ee la yiraahdo “prunes” |