Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: Pharmacist on December 30, 2007, 04:32:17 AM

Title: Saameynta Daroogada (Adiga iyo Qoyskaaga)
Post by: Pharmacist on December 30, 2007, 04:32:17 AM
Isticmaalka daroogada wuxuu horseedi karaa khilaaf qoyska dhexdiisa ah ama saaxiibada. Tusaale ahaan, markii qofku ku jirey fadhiyo dhaadheer ee qayilaadda qaadka oo waqti dheer ku qaadatay inuu reerka ka maqnaado.

Dhibaatadan waxaa sii xumayn kara haddii qofku ka dib markuu yimaado guriga uu iska seexdo halkii uu waqti la qaadan lahaa qoyskiisa,
ama uu la xanaaqsan yahay hurdda la’aanta haysa, ama uu noqday mid caraysan oo karaya.

Qoyska iyo saaxiibaduba way ka niyad jabi karaan waxayna dhibsadaan markii la soo farageliyo ama lagu cadaadiyo inay keenaan lacag
ama waxyaalaha ay haystaan, ama markii qofkaas qaad cunaha ah uusan garowsanayn dhibaatooyinka cuniddiisa qaadku ay keenayso.

Carruurtu waxay eegtaan waalidiintooda, awoowahooda iyo walaalahooda ka waaweyn, waxayna ka bartaan in badan oo dhaqankooda iyo dabeecadahooda ku saabsan daroogooyinka lagu isticmaalo qoyska dhexdiisa.

Haddii xubnaha qoysku isticmaalaan daroogada ama khamriga si ay u raaxaystaan ama dhibaato haysa isku hilmaansiiyaan, waxaa dhacda in carruurtuna ay isticmaalaan falalkaas oo kale markii ay u baahdaan inay raaxaystaan ama ay dhibaato xalliyaan.

Waxaa kaloo intaa sii dheer qofka isticmaala daroogada waxaa jirta inuusan si wacan u shaqayn ama wax u baran sababtoo ah wuu daallan yahay wuuna kacsan yahay. Tani waxay kaloo keeni kartaa xaalado shaqo oo aan ammaan lahayn, gaar ahaan haddii uu qofkaas gaari wado, ama uu ku shaqeeyo mashiinnada waaweyn.

Dadka isticmaala daroogada waxay qaataan maalmo fasax jirro oo badan mana u shaqayn karaan si hufan.

Isticmaalka daroogada wuxuu saamayn karaa awoodda qofka uu si habboon ula falgali karo xaaladaha qaarkood. Daroogadu waxay
saamayn kartaa awooddiisa uu si fiican uga fiirsan karo ama uu u siin karo feejignaan xaalladda jirta. Waxay u keeni kartaa inuu qofku
yeesho arag cawaran, jiirraago, yaqyaqsi iyo astaamo jireed oo kale.

Saamayntaas waxay kornin kartaa halista inay dhacaan shilalka baabuurta iyo dawakhsanaan, waxay yaraysaa awoodda qofku inuu si
ammaan ah uga gudbo waddada.

Qarashka ku baxa sii wadidda qofka ee isticmaalka daroogada waxay macnaheedu tahay inaysan jirin lacag ku filan oo u soo harta in lagu
gato cunto ama dhar, ama lagu bixiyo biilasha. Arrintaana waxay walwal dheeraad ah saarta qoyska.

Sigaarka, khamriga iyo daroogooyinka sharci darrada ah waxay dhammaantood leeyihiin saamayn caafimaad oo xun haddii la isticmaalo muddo waqti dheer ah. Dabeecooyinka cunto xumida iyo hurdo la’aanta oo ka dhalata isticmaalka daroogada waxay kordhin kartaa fursadaha qofka ay la soo-gudboonaadaan khalkhalo caafimaad oo kala duwan.

Dadka isku dura daroogooyinka waxay halis ugu jiraan inay qaadaan hepatitis B, hepatitis C iyo HIV (fayraska keena AIDS).

La soco qeybaha xiga

Real Pharmacist
Title: Re: Saameynta Daroogada (Adiga iyo Qoyskaaga)
Post by: Dr.Noora on December 30, 2007, 12:14:00 PM
Mahadsanid Pharmacist Mawducan muhiimka ah aa soo qortay , dhan kasta oo loo fiiriyo waa arin aad u muhiim ah khaasatan dadka Soomaaliyeed una baahan wacyi galin badan si eey iskaga dhafaan Qaadka , coz Most of us qooyskiisa waalaga helaa qof qayilo haduusan qoyskiisa kujirina asxaabtiisa ama dariskiisa taasna waxee na tusee in eesan dadka ka qabin wacyi galin kufilan muxuu yaha qaadka? badankood ma oga inuu qaadka ka mid yahay maandooriyayaasha oo macnaheedu yahay cunidiisa inee tahay xaaraan,Insha Allah waan rajeeynaa inee imaado maalin dadka Soomaaliyeed ee kawada fogaadaan qaadka wacyigooda uu fahmo miciniisa saxa ah.

Insha Allah Qeeybta labaad aa sugeenaa  waana rajeeynaa qof walba oo naga mid ah inuu awood u yeesho inuu saacido dadka u baahan musacadada , Mahadsanid.

Dr.Noora
Title: Re: Saameynta Daroogada (Adiga iyo Qoyskaaga)
Post by: Munim on December 31, 2007, 12:03:43 AM
Thanks Pharmacist mowduucan

waxa wax laga xumada ah in mararka qaar ad aragto dhakhatiir isticmalayso daroogada ha noqoto guriga ama shaqada yacni mathalan qaar ka mid ah dhaqatiirta qaliinka waxa aysan awood u lahayn in ay galaan qaliin ilaa ay isticmalan daroogada haba ugu badnatee Khamriga tas ay ka danbayndoonto cawaqib xumo iyo sumcad xumo.
wana jeclaan lahaa in aan arko dalkeena hooyo  oo aan laga isticmalin mandooriyaha Qaadka oo sida xun noo galay oo dhalinyaradii dalka dhisi lahayd naga dilay lacagtana naga dhameeyay qoysas is jeclaayna kala tagsiiyay. ??? >:(
Title: Re: Saameynta Daroogada (Adiga iyo Qoyskaaga)
Post by: Geeljire on December 31, 2007, 03:11:21 AM
This topic was discussed on many instances; that being said let me throw in my two cents in english language for those who have difficult of reading Somali language.

The Somali society has many self-inflicted ills (corruption, clanism, etc.) and some natural ones.  However, Khat or Qat (Catha Edulis) is one of the most dangerous ills that the Somali society faces today.

This drug is eating at the fabric of society at every level.  It is an economic drain as well a social ill that has a devastating effect on the nucleus of the society – the family. 

While many effects of khat are of consequence only or primarily to the user, the increased susceptibility to infectious disease and the threats to normal development of the children of the chronic users are public health concerns.

Furthermore, as the tolerance of drug use among employer’s drops to zero, khat users will find themselves closed off to many best jobs.

Thus, because of unemployment and low-paying jobs, khat use will damage the financial status of individuals, families, and communities.

While more readings and research are always desirable to better understand the small details, we know enough now to say clearly that the use of khat should be discouraged.

Therefore, khat needs to get the attention of community leaders, intellectuals, and the society at large.  Not to do so is to compound our self-inflicted wounds that are already exacerbated by other factors such as the civil war.

We appeal to all Somalis to fight this evil, to educate or get educated about this ill.  Our dear member Mr. Pharmacist will bring you his next posts or articles relating to this social ill in this thread.  If you would like to contribute, please contact him .Thank you in advance.


Keep hope alive.
Geeljire.
Title: Re: Saameynta Daroogada (Adiga iyo Qoyskaaga)
Post by: Waxbaro! on January 01, 2008, 03:10:05 AM
Walaal Pharmacist, aad ayaan ugu faraxsanahay mawaadiicda faaidada leh aad soo bandhigtid.
Mawduucaane waa mid aad u muhiim ah, maxaa yeelay dhibaatada qaadka ma ahan mid ku eg qofka isticmaalayo kaliya, oo qoyska kama nabad galo, caafimaad iyo dhaqaale ahaanba qofka dhibaato weyn ayuu u geystaa.

hadii dhaqaalo ahaan laga hadlo, qaadka lacagta laga soo bixinayo wuxuu quudin karaa ilaa 6 qofood, lacagta uga baxdo somalia qaadka ay ka dalka kenya kaliya waxaa lagu qiyaasaa sanadkii 100,000$ oo dollarka maraykanka ah.

Dhibaatada caafimaadeed uu keenana mid  la soo koobi karo maahan.

Waxbaro!
Title: Re: Saameynta Daroogada (Adiga iyo Qoyskaaga)
Post by: Pharmacist on January 03, 2008, 11:50:18 AM
I am very happy to see your encouraging replies & I will continue posting such important topics!
Thanks
Real Pharmacist