Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Dirsame on March 31, 2016, 02:11:52 PM

Title: Su'aal: Timirta iyo Ilkaha?
Post by: Dirsame on March 31, 2016, 02:11:52 PM
Asc. Dr. Markaan timirta cuno waxaa i xanuuna ilkaha qayb ka mid ah, waliba meesha ay timirtu taabato ama fuusho marka aan calalinayo maxaa sababaya?

Jazaakallaahu khayr.
Title: Re: Su'aal: Timirta iyo Ilkaha?
Post by: SomaliDoc on April 11, 2016, 12:57:07 PM
Waxay u badan tahay in suus ama bolol ilkaha uu jiro ama neerfaha iligta uu feydan yahay taasoo labaduba aysan u adkaysan karin macaanka timirta, fadlan dhakhtar ilko u tag una sheeg cabashadaas waa lagu baari doontaa insha'llah.
Title: Re: Su'aal: Timirta iyo Ilkaha?
Post by: A/qadir Abdi on April 12, 2016, 06:31:19 AM
Timirka iyo xanunka macaanka maxaa ka dhexeeya macnaha timirtu ma keeni kartaa macan?
Title: Re: Su'aal: Timirta iyo Ilkaha?
Post by: SomaliDoc on April 29, 2016, 08:45:40 PM
Timirtu ma keento cudurka macaanka, haddii aad ka wadidne ma kicisaa? Haa way kicisaa oo in la yaraysto ayaa fiican inkastoo ay ku xiran tahay heerka macaankaagaa.
Akhriso qoraal ku saabsan macaanka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1145.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1145.0)