Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Raaliyo on July 21, 2011, 10:31:05 PM

Title: Su'aal: Sidee maskaxda looga tir tiri fakira soo noq noqanaya?
Post by: Raaliyo on July 21, 2011, 10:31:05 PM
A/S dhamaan asxaabta isugu timaaday webkaan somali doctor waan idin salamayaa bacda salaan waxaan salaan gaar ahaneed u jeedinayaa dhamaan dotorada u tagan inay walalahooda soomaliyeed ay caawiyaan oo habeen iyo malin u tagaan inay advice siiyaan  walalahooda soomaliyeed oo dhibka ka haysta xaga caafimaadka bacda salaan aniga waxaan qabaa suaal ah ama ku saabsan maskaxda marka ay wax ku dhegto wixiina nafta jeclaan sidee looga tir tiri karaa macanaha gabar saaxiibteey baa wiil jeclatay wiilkii waa ka tagay naag kaluu guursaday  markaa dhibka haysta gabadhii malain walba hadal hayntiisa bay haysaa masaxdeedana kama baxo xauusta intaas wuu ku jiraa aad baan uga naxay xaqiiqdii markaa wallaalayaaloow advicena siiya sidee bay maskaxdaan u ilaabi kartaa jacaylka wiilkaan gabadha galiyeye yadana uga bad baadi kartaa dhibkiisaiyo fakirkiisa iyo wareerkiisa.
Title: Re: Su'aal: Sidee maskaxda looga tir tiri fakira soo noq noqanaya?
Post by: SomaliDoc on July 29, 2011, 08:59:15 PM
Qoftani waxay u baahantahay la talin nafsaani ah "Counselling Psychology". la xiriir takhatr ku taqasusay cilmu-nafsiga "Psychologist" laakiin haddii heerkaas aysan gaarin in ay takhtar la xiriirto waa in ay ku kalsoonaataa nafteeda eebbane tala saarataa nolosheedane horay u sii wadataa.