Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Kamaal on October 24, 2015, 07:49:44 PM

Title: Su'aal: Waan dhafraa maxaa ka dhaxli karaa?
Post by: Kamaal on October 24, 2015, 07:49:44 PM
aad baan ina kaga mahadcelinayaa sida wanagsan ee dadkina u caawinaysan! suaashayda waxay tahay digtoor inbdn ayaan dhafrayey aniga oo isticmalayn wax mandooriye ah lkn waxaa ahay dadka. internet aadka u isticmaala hadaba maxan ka dhaxli karaa dhafarka bdn xanuuno se malaga qaadaaa?thanks
Title: Re: Su'aal: Waan dhafraa maxaa ka dhaxli karaa?
Post by: SomaliDoc on November 04, 2015, 07:22:52 PM
(http://somalidoc.com/Topics/dhafar.png)

Dhafarka iyo hurdo la'aanta waxaa laga dhaxlaa dhibaatooyin badan oo kala duwan.
Maadaama caalamku is badalay oo habeenkii iyo maalintii isku mid noqdeen xaga dhaqdhaqaaqa waxaa aad u soo baxay dhibaatooyin badan oo la xiriirta hurdo la'aanta ama dhafarka habeenkii taasoo na dareensiineysa ahmiyada hurdada iyo faa'idooyinka caafimaad ay hurdadu wadato.

Dhafarka habeenkii waa wax khilaafsan sunnadii eebe ugu tala galay bini'aadanka, eebe wuxuu quraankiisa ku xusay dhowr meel in habeenkii loogu talagalay daganaan iyo hurdo, maalintiina nolol iyo dhaqdhaqaaqa, qofka bini'aadankane labaduba uusan ka maarmi karin.

Fikrada khaldan ay dadku qaar aaminsan yihin ayaa ah, haduu qofka habeenkii soo jeedo, maalintiina uu hurdo in ay ku filan tahay oo uu faa'idadii hurdada helay.
Taasi sax ma ahan, diraasado badanne waa laga diyaariyay arrintaas, waxaa la arkay in qofka biniaadanka jirkiisu uusan isku si u shaqaynin habeenkii iyo maalintii, habeenkii maadaama loogu tala galay nasinada iyo hurdada, unugyo badan oo jirka ka tirsan waxaa eebe uu ku programiyaya in ay shaqada yareeyaan ama hakiyaan iyo xubnaha qaar ay yareeyaan wax soo saarkooda sida qanjirrada soo daayo hormoonada iyo dheecaanada jirka uu u baahan yahaya, maalintiina waa caksi oo qeybo badan oo nasanayay habeenkii ayaa la howl galiyaa habeenkii, sidaas awgeed hurdada maalintii ma gudi karto midda habeenkii.

Dadka habeenkii shaqeeyo ama dhafro waxay la kulmaan dhibaatooyin ka dhashay culeys saarista jirkooda oo u baahnaan lahaa xilli nasasho tanne waxay dhalisaa dhibaato dhowr, waxaana ka mid ah:

Talooyin:
1- Haddii aad ka mid tahay dadka dhafro in aad ku dadaashid sidii aad u heli lahayd hurdo kugu filan habeenkii adigoo ka fogaada waxyaabaha dhafarka kuu keeni kara.
Waxaa laga yaabaa in aad aamisan tahay in aad u baaha ntahay saacado kooban oo hurdo, in aad dhafri karto, subaxiina aad shaqadaada aadi kartid.
Ogow taasi waa dhibaato aad ku haysid jirkaaga oo dhici karto waqti dambe in ay kaa soo baxdo.
2- Haddii aad shaqaysid habeenkii, ku dadaal in aadan joogto ka dhigan shaqadaas, waxaadna awood sharci ah u leedahay in shaqo habeen si joogto ah laguugu qori karin iyadoo ay suura gal tahay in aad maalintii shaqeyso ama aad is badashaan dadka kale ee aad isla shaqeysaan.
3- Haddii aad tahay dadka dhafro ka fogow waxyaabaha keeni karo in hurdada kaa fogeeyaan sida kaffeeyga iyo cabitaanada laga helo energy-ga, tani waa dhibaato lagu daray dhibaatadii dhafarka, waxaad jirkaaga saaraysaa culeys dheeraad, waxay la mid tahay adigoo baabur matoorkiisa kululaaday aad rabtid in aad sii waddo oo aad sii sheellarayso!.
Iska ilaali in aad maandooriye ku darto dhafarka sida qaadka iyo waxyaabo kale oo sidooda halis ugu keeno jirka.
4- Dhakhatiirtu waxay sheegaan in hurdada la qallayn karo oo wixii dhafarka uu gaarsiiyay jirkaaga in la yarayn karo usbuucyo illaa bilooyin gudahooda, dhibaatada iyo dhaawaca jirka gaaray waxay ku xiran tahay mudada dhafarka iyo nooca shaqada ee lagu dhafray, kullamaa qofka shaqada uu habeenkii uu qabto ay badan tahay ama u baahan tahay in jirka iyo maskaxda aad looga shaqeysiiyo kullamaa dhibaatadu ay badan tahay ama ay soo degdag ogtahay.
Waxay lagula taliyaa qofka rabo inuu ka hortago ama yareeyo dhibaatada dhafarka mudda uu ku soo jiray in uu saacado dheeri ah uu hurdo habeenkii, huradadaaso oo ah mid aan buuq lahayn, waxaa lagula taliyaa in qofka uu 10 saac oo hurdo joogto ah uu helo si uu u so gudo deyntii hurdada lagu lahaa.
5- Haddii aad ka mid tahay dadka ku dhafra isticmaalka internetka ama daawashada filimaanta, ka fakar mustaqbalka caafimaadkaaga, iskana jooji caadadaas oo haddii aad muddo dheer aad wadid kuu keeni karta dhibaatooyinka kor ku xusan.
6- Xanuunada laga dhaxlo khilaafista sunada nolosha ee eebe waxay ku tusinayaa in jirka bini'aadanka loogu talagalay si kontorool leh inuu u noolaado, hadduu caksigeeda uu sameeyane wuxuu ka dhaxlaa dhibaatooyin aadan waqtigaas dareemi karin.

Haddii aad su'aalo dheeraad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
Title: Re: Su'aal: Waan dhafraa maxaa ka dhaxli karaa?
Post by: Ladanise9 on December 31, 2015, 03:42:16 PM
Asc dhaqatiirteena sharafta mudan mahad Alle usugnaaty ka sakowna idinka isku howlay in aad nooga faa iidaysaan aqoontiina shugran waxaan doonayaa in aad ii sheegtaan qofka haduu habeenkii in badan soo jeedo ilaa seqda dhexe habeenkii maxuu ka dhaxli karaa oo uuna isticmaalo mobile laptop cafimaad ahaan dhiba ubkeeni karaa iga raali noqda hadaan meel qaldan wax ku soo qoraay shugran marlabaad
Title: Re: Su'aal: Waan dhafraa maxaa ka dhaxli karaa?
Post by: SomaliDoc on January 14, 2016, 02:59:46 PM
Fadlan jawaabta waxay ku qoran tahay qoraalka ka sarreeya su'aashaada ee dib ugu laabo oo wada akhri.
Title: Re: Su'aal: Waan dhafraa maxaa ka dhaxli karaa?
Post by: Muxiyo on March 20, 2018, 12:43:34 AM
Jasakallah khayr Doctor Alle dhib ha kaa hayo , arintan dhafarka aniga ayay dhibaatooyin badan i dhaxalsiisay laakiin imika oo aan qoraalkaaga akhriyay waxaan go'aansaday inaan noloshayda sida eebe ugu talo galay u noolaado si aan nolol wanaagsan u helo

Dr aniga maan dooriye ma cuno waxyaabaha warshadaysana hada waan iska ilaaliya, Allow dal iyo dad caafimaad qaba