Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Samowade on June 13, 2017, 05:06:35 PM

Title: Su'aal: Maxaa keena in xubinta taranku yaraato?
Post by: Samowade on June 13, 2017, 05:06:35 PM
Asc wan idinsalamaya bahda  aadba ugu mahadsantihin sida  uma isugu xilqanteen
Waxan idin waydin laha maxa keena in xubinta taranku yaraato xubintyda taranku way si yaranaysa marba marka ka danbaysa
Waad mahadsantin
Title: Re: Su'aal: Maxaa keena in xubinta taranku yaraato?
Post by: SomaliDoc on March 25, 2018, 06:05:00 PM
Yaraanshaha ama shuuqista haddii aad ula jeedid dhinaca xiniinyaha taasi waxa ku badan ragga, waxaana loo yaqaanaa "Testicular atrophy", waxyaabaha keeno waa dhowr cilladood, waxaana ugu caansan caabuqa xaniinta ku dhaco ee loo yaqaano "epididymo-orchitis" oo qoraal hore ku faahfaahinnay ee ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=8414.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=8414.0)

Haddii yaraanshaha ama shuuqista aad ula jeedid dhinaca xubinta laftirkeeda "guska", taasi waxay u baahan tahay in aad kala fahantid laba arrimood, dhalinyaro badan ayaa welwel iskugu abuura wax aan jirin, xubinta Alle wuxuu ugu talagalay inay yaraato marne dheeraato iyadoo ay jiraan dhowr arrimood oo saameeya oo aan cudur ahayn, tusaale ahaan jawwiga qabaw, xubintu way yaraataa, hadduu dareenku yar yahay ama qofka buuq ku furan yahay way yaraataa, laakiin waa wax kumeel gaar ah, laakiin haddii arintu ay tahay mid joogto ah oo xubintu aysanba kacayn, hilib ahaanteeduna ay yaraatay ama bilawday inay qarsanto taasi ayaa cillad ah, waxayna ka timaadaa dhaawac gaaray xididada ama neerfaha kontaroola xubinta, markaas waxaad u baahan tahay inaad dhakhtarka ku shaqada leh ee loo yaqaano "urologist" inaad talo dheeraad ah waydiisatid, waana muhiim in lagu wiisiteeyo.