Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Sahnuunyar on June 12, 2017, 12:45:34 PM

Title: Su'aal: Xanuun daba gibinta (futaada)?
Post by: Sahnuunyar on June 12, 2017, 12:45:34 PM
Asc dhaman dhaqatirta sharafta leh. Waxaan isku arka xanuun futada ah kadib marka aan biyo baxo. Maxaa kena? Sidesa lagu daweyn kara
Title: Re: Su'aal: Xanuun daba gibinta (futaada)?
Post by: SomaliDoc on February 23, 2018, 08:12:36 PM
Waxaan u baahnayn lahayn inaad faahfaahin dheeraad ah naga siisid qaabka xanuunka u dareentid iyo meesha aad ka dareentid, sababtoo ah dhowr cilladood ayay noqon kartaa, tusaale ahaan hadduu jiro xanuunka futo-dillaaca "anal fissure", waad dareemi kartaa xanuun markaad biyo-baxdo kadib maadaama murqaha futada ay giigsamaan, sidaasne uu dillaaca ku daqnan karo.
waxay kaloo noqon kartaa caabuqa qanjirka borostaatada inkastoo xanuunka laga dareemo meesha qooraha iyo futada u dhaxayso oo aan futada meesha saxarada ka soo baxdo aan laga dareemin.

Marka waa muhiim in warbixin intaa dheer lagaa helo si talo habboon laguu siiyo, Allaha ku caafiyo.