Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: AbdiK on February 28, 2018, 07:06:20 PM

Title: Su'aal: Semen Analysis Iyo talo Guud?
Post by: AbdiK on February 28, 2018, 07:06:20 PM
As wr wb dhamaan Hawlwadeenada somalidoc Aad Ayaad Ugu mahadsan tihiin Sidaad bulshada Aqoontina ugu sadeqaysanaysaan Allah haydinko Abaal mariyo, Hadii aan su’aashayda usoo daadago Intaan su’aasha u gudbin waxan jeclahay inaan idinla wadaago Xanuunka aan dareemo Waxan ahay nin Dhalinyaro ah 27sano Waxaan jooga italay, waxaan isku arkay Ilaa Mudo 10 sano Ku dhaw In markaan saxaroonayo ay saxarada Soo raacdo dheecan u eeg sida Shahwada Horey ayaan u akhristay qoraalka Kaga sheekaynaysaan Prostaatiska, waxa Kale Oo Imika laga joogo 2 Sano Aad dareemayey markaan dhulka fadhiyo Ama Tusaale Maalmaha Salaada Jimcaha Markaan qudabda Shekha Dhagaysanayo waxaan darema dabada Inay Xanuunto oo gudaha Ah waxanad mooda In sidii Ay i Garacayso ay dhag dhag Leedahay Intaa Aan waxaa Arkayey Dhakhatar Uma tagin
Imika Markaan Reer Yeshay ilaa 2 Sano Ee Wax awlaad ahi Illahay Noo qadarim ayaan bilaabay Inaan isa soo baadho
Dhakhtarka Waxaan u sheegay Ciladayda Waxana Uu ii diray Inaan shahwada Baadho Iyo inaan kaadi iska qaado, Marka Kadidi Waxay Noqotay Posative, Balse walaalayal labadiiba waan sameyey Ee Dhibka jiraa Waxa Weeye dhakhtarkii markii ii sheegayey Jawaabaha soo baxay si wanagsan iskumanan Fahmin Waxan rajo weyn ka qabaa Inaad iga Haqab tiri Doontan afkayga hooyo allah haydinka Abaal mariye,

Waxaan idila wadagayaa Jawaabtii shahwada Waxayna u dhignayad sida Tan Anigoo ka cudur daranaya Inay af Talyani
 Ku qoran tahay.....,

Esame Chimico Fisico Del Liquido Seminale

Volume          4.0 ml
Ph                 7.8       7.2 - 7.8
Aspetto          Proprio, Avorio Opalescente
Viscostià        Normale   Normale
Omogeniszzazione Completa, Normale
Concentrazione spermatica 100
Millioni/ml    nei limiti >20 oligozoospermia <20
Num. tot spermatozoi/eiaculato 400 Millioni/culato  nei limiti >40 oligozoospermia <40

Motilità 2 ore- Rettilinea  RETTILINEA 10% DISCINETICA 35%.
Motiilità 4 ore- Rettilinea  RETTILINEA 10% DISCINETICA
35%.
Morfologia Spermatozoi tipici  20 %      >=30%
Morfologia spermatoszoi 80 %  <=70%

Leucociti        0.2 millioni/ml 0-1
Emazie Liq.Sem         1pcm
Tecnica di default

Elementi linea germinativa PRESENTI
Zone di spermioagglutinazione PRESENTI +++        Assenti
Cellule di Sfaldamento ASSENTI
tecnica di default

Corpuscoli prostatici  PRESENTI
tecnica di default

Illahaybaa Awlaada Bixiya Balse waa Laga maarman Dabiibku!
Waxaan idinka codsanayaa Inaad si wanagsan aad igu sharixi doontan kana Jawaabi doontan xanuunkan xaga Sare Ku xusay ta Labaad Sidaan anigu u fahmay waxaan u Malayanaya Inay spermkayga tayaduudu Activitigoodu aanu wanagsanayn Anigoon ka Hor dhacayn jawaabtina quruxdana badan markaa hadiiba ay u dhacdo sidaan sheegayo Maxaa Lagula tacaali karaa Kor u qaadida tayada Shahwada? Iyo Hadii dhib i Haysto furasad ma u leeyahay inay Xaaskaygu uur qaado illahayba HAye Awlaade

Asc Jazakallah khyr Khayra jazaa,

Title: Re: Su'aal: Semen Analysis Iyo talo Guud?
Post by: AbdiK on February 28, 2018, 07:59:01 PM
Iga Raali Noqda Qoraalka Markaan dib u akhriyey ayan ogaaday inaan Cilad Kale Oo Muhiima ah Ilaabay Taasoo ah in Mararka qaar Xiniinyahay Ma Garan ma ta Bixidbaa Mise waata midig Guud ahaan xiniinyaha Ayaa i shuuqa, Si wax Gariirna Aan ahayn xanuuna Aan igu hayan balse Aan dareemo anigu weeye,
Markaa Talow Ciladaasi Maxay Noqon kartaa?