Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Guled on May 21, 2018, 01:26:50 AM

Title: Su'aal: Waxaan leeyahay neef aan la xaqiijin?
Post by: Guled on May 21, 2018, 01:26:50 AM
Asc Walaal waxaa jooga wiil yar oo dhashay 05/01/2018 was waxa uuleeyahay neef aan dhaqaatiirtu xaqiijin wali wuu qufacayaa habeenkii malaka joojinayo some times wuu matagayaa Marka uu matago ayuu nafisayaa dhaqaatiir badan waan ugeeyay waxay dhaheen neef yar buuleeyahay Elergic na wuuleeyahay marka walala maxaan sameeyaa bal igalasootaliya mahadsanidiin dhamaantiin
Title: Re: Su'aal: Waxaan leeyahay neef aan la xaqiijin?
Post by: SomaliDoc on December 27, 2018, 09:53:21 PM
Caruurta inay habeenkii qufac la soo boodaan illaa ya la matagaan waxyaabo badan ayaa keeni kara sida Xasaasiyadda, Xiiqda, Boronkiitada ama Diifka, faahfahainta cilla walba halkaan ka akhriso si aad u kala ogaatid:
Xiiq / Neef: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=351.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=351.0)
Burkiito: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=436.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=436.0)
Duufka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=8475.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=8475.0)

Talada ugu fudud oo guriga ku samayn kartid waa inaad habeenkii cunuga u qabaysaa, kadibne saliid xabad sowdo u mari feeraha illaa qoorta oo dhan, haddii xasaasiyad tahay iyo waxyaabaha kalaba badanaa way ku roonaadaan, sidaasne u joogteey in muddo ah.