Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdisamadyare on October 17, 2018, 06:40:44 PM
-
su aal wll 6 sano ayaan sameenayaya waxana isku arkay ilaw badan hada ilaahay idinkii wan jojiyay maxankusoo celinkaraa waxan dareemaa daal tabar majirtaa dawo an dhib iikaynayn markan jimicsiga sameeyo dhisaysa murqahayga ama seedahayga
-
Ma jirto daawo loo qaato daalka iyo tabardarrida, waxaad u baahan tahay kaliya inaad cuntid cunno nafaqo leh, biyaha badsato, jimicsigaaga samaysid, haddii aad balwad leedahayne inaad joojisid. haddii intaa ka dib daalka iyo tabardarrida ku dayn wayso waa inad dhakhtar la xiriirtaa si laguu baaro loona ogaado xanuunka kuu keenayo astaamahaas. waxyaabaha ugu badan ee keeno daalka waxaa ka mid ah dhiig-yarida, gaaska, caabuqa caloosha, khalkhalka hormoonada jirka sida thryoid-ka, macaanka IWM.