Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Maxamedsalaad on August 03, 2018, 06:07:43 AM
-
Asc,
dhaqtar anigu waxa aan la dhibanahay wet dream, ilaa 3 jeer ayaan isbuucii isku arkaa, salaaddii subaxna caqabad ayuu igaga yahay, ee sideen iskaga yarayn karaana? ama iskaga joojin karaana.
-
waa cafimad ee shib iska dheh, waxey daliil u tahay inadan siigeysan oo aad qof dhowrsan tahay. wana dabici oo cudur ku haya ma aha
-
Biyo-baxa riyada ku yimaado ma ahan cudur waa arrin dabiici ah, raggane way ku kala duwan yihiin, hadduu dhib kugu hayo, taladaydu waa inaad soonka badisaa, haddii aad awoodidne inaad guursataa.