Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Raaliyo on December 18, 2012, 09:51:25 PM

Title: Su'aal: Dhiig badan iga asocdo mudo dheer?
Post by: Raaliyo on December 18, 2012, 09:51:25 PM
waxaan salamaya adhamana umda soomaliyeed meel walba oo ay joogana bacda salaan waxaan aad u salamayaa dhaqatarada soomaliyeed oo iska leh webkaan ay walalahooda ku dhiira galinayana  suaal baan qaba adoctor mudo laga joogo 16 casho ba adhiig iga yimaaday  runtiina xoog leh xinjiro badana wata  dhaqatar bana u tagay wuxu isoo qoray kiniin istajinaya waan liqay wuu istagaay markana kiniinkgii joojiyey hadana wuu soo noqday  dhiig ba alayga qaaday waxaa lay dhhaay 8.3 baad haysta airon  enemia baad tahay awal wuxuu aha a12.8 markaa wax ilaa hada u dhacday arintaasna lama oga marka aiga jaahil bixi arintaan ana la murugooday
Title: Re: Su'aal: Dhiig badan iga asocdo mudo dheer?
Post by: SomaliDoc on January 02, 2013, 10:46:03 PM
Caadadu way siyaadi kartaa wayna wareeri kartaa, waxyaabo badan ayaa keeni karo, khalal hormoonaadka ahi way keeni karaan, qaab ahaantaan ayayna iigu muuqataa in takhtarka uu kuugu daaweeyay, mida kale daawooyinka loo qaatane sida aad sheegtay markii la joojiyo dhiiga wuu soo laabtaa laakin maahan mid sii socdo oo hadane wuu istaagaa waa haddii aad u qaadatay sidii takhtarka kuugu sheegay, haddii dhiigga weli sii socdo waxaad u baahan tahay baaritaan dheeraad ah waa in aad ku laabatid takhtarkaaga.

Midda ku aadan dhiig yarida, waxaad ku soo celin kartaa adigoo qaato cunnoyinka nafaqada leh oo ku badan tahay birta iyo kaniiniyada soo kobciyo dhiigga.