Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdulkadir-abdullahi on January 25, 2016, 10:28:06 PM

Title: Su'aal: Bukaanka qaba Cagaarshow B ama C?
Post by: Abdulkadir-abdullahi on January 25, 2016, 10:28:06 PM
Asc wll, Dr waxaan jeclaystay inaad nala wadaagto , bukaanka qaba cagaarshow B ama C cuntooyinka uu qaadan karo iyo kuwa aanay ahayn inuu cuno .
waad mahadsantahay
Title: Re: Su'aal: Bukaanka qaba Cagaarshow B ama C?
Post by: SomaliDoc on February 02, 2016, 03:31:38 PM
Waxyaabaha laga hortagayo ama lagu dadaalayo waxay caawinayaa beerka in culeys dheeraad ah uusan fuulin maadaama uu qofka qabo cagaarshow, laakiin cagaarshow ahaan ma jiro wax looga hortago oo cunno ah.
Cunnooyinka in laga fogaado ay fiican tahay markuu qofka beerka ka jiran yahay waxaa ka mid ah: dufanka, subagga, daawooyinka sida paracetamol-ka.
Cunnooyink u fiican waa: biyaha, qaraha iyo malabka.

Akhriso qoraal ku saabsan howlgabka beerka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5648.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5648.0.html)