Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Mohamoud Omar on March 02, 2016, 07:27:16 PM

Title: Su'aal: Waxaan isticmaala basbaas cagaarka?
Post by: Mohamoud Omar on March 02, 2016, 07:27:16 PM
Asc dhamaan akhyaarta sharafta leh aad ban idinka mahadcelinayna si wada quruxda badan ee aad marwlba noogu faa'iidaysaan hadii aan nahay aqristayaasha
Dr waxaan rabaa inaan ku waydiyo waxaan isticmaala basbaas cagaarka in ka badan khudaarta kale kulkiisana ma dareemo
marka maxay keeni kartaa in la badsado isticmaalka basbaas qajiga
waadna mahadsantihin
Title: Re: Su'aal: Waxaan isticmaala basbaas cagaarka?
Post by: SomaliDoc on March 10, 2016, 03:19:29 PM
(http://somalidoc.com/Topics/basbaas.png)

Basbaaska iyo caafimaadka:
Basbaasku wuxuu ka mid yahay cunnooyinka dunida aadka looga yaqaano, inkastoo basbaasku ku caan baxay kuleelka laakiin wuxuu ku jira fitamiino iyo macdanno jirka wax u tara, waxaana ugu horreeyo fitamiin c, fitamiin B6, fitamiin K, fitamiin A iyo Boostaasiyam, ka akhriso qoraalkaan waxyaabaha ay fitamiinadaas jirka u taraan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5781.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5781.0.html)

Waxaa intaa sii dheer in basbaasku uu xambaarsan yahay walxo daawo ahaan loogu isticmaalo cudurro dhowr ah, walxahaas oo qaarkood basbaaska kaliya laga helo, waxaana ugu caansa maadada "Capsaicin" oo hadda laga sameeyo daawooyin iyadoo la adeegsaday cilmibaaris tiro badan.

Waa maxay faa'idada basbaaska?
Waxaa basbaaska loo adeegsadaa in lagu daaweeyo xanuuandaan hoos ku qoran:

Waa maxay khasaaraha basbaaska?

Basbaaska kee ugu faa'ido badan?
Basbaaska gaduudka ayaa ugu faa'ido badan, wuuna ka caafimaad fiican yahay kan cagaarka ama jaallaha ah, haddii aad basbaaska daawo ahaan u isticmaalaysid, ku dadaal kan gaduudan.

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)