Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Deerius on August 21, 2012, 02:33:23 PM

Title: Su'aal ku saabsan gooryaanka caloosha iyo wax yeelada uu ugeeysto qofka qabo?
Post by: Deerius on August 21, 2012, 02:33:23 PM
Asalamu CAleykum halkaane waxaan kasalaamayaa dhamaan dhaqaatiirta isku howshay ama hirgiliyay webka  Somali Medical Forums.
kadib walal shuruudaha topic markaan akhriyay.
waxaa kamid ahaa in aan lasoo gudbin karin topic horey looga hadley laakiin, topican hada aan soo jeediyay topic  subject iska lee yahiin ayaa jiray.
any way, waxaan codsanayaa in su,aashan leyga soo jawaabo insha allah thnx.
Dr. waxaa jira gabar walaashay ah oo la,ildaran cudurka gooriyanka kaas oo dhib kuhaya sida ay iigu sheektey waxaa waayo magaciisa gooriyaan jardilami .
marka walal waxaan kuweydiinayaa.
gooriyanka caloosha galo meeqaa ayuu ukala baxaa.
Sidee ayay ukala halis badan yahiin.
qaabkee ayaa lagu daawinkaraa ama lagu cirib tiri karaa.
aniga waxaan joogaa wadanka Indonesia waxaan rabaa inaan halkaan doowo gooriyaan ugu diri marka waxaan codsanayaa dawada  gooriyanka magaceeda.
oo english ah...
aadbaa idinku mahad cilinayaa,.
jawaabtana waan sugayaa.
 mahadsanadiin.

 
Title: Re: Su'aal ku saabsan gooryaanka caloosha iyo wax yeelada uu ugeeysto qofka qabo?
Post by: SomaliDoc on October 27, 2012, 09:40:12 PM
Giardia Lambia ma ahan gooryaan, wuxuu ka tirsan yahay koox noole ah oo hal ungule ah oo lagu magacaabo "Protozoa", soomaalidane badanaa cudur walba oo mindhicirrada ku dhaca waxay aaminsan tahay in uu gooryaan keeno.
Sidaa darteed halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan cudurka Jaarda Laambiyada.
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,837.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,837.0.html)

Midda ku saabsan daawaynta waxaan kugula talinaynaa in aad la xiriirtid takhtar si uu isaga kuugu qoro daawo.