Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on November 10, 2010, 07:41:32 PM

Title: Infekshanka laga qaado Isbataallada
Post by: SomaliDoc on November 10, 2010, 07:41:32 PM
(http://somalidoc.com/Topics/isbitaal.png)

Isbitaallada waxaa laga qaadaa xanuunno halis ah oo badanaa daawooyinka antibiotics-ka aan waxna ka tarin, fadlan ku dadaal in aad la xiriirto isbitaal nadaafaddiisa ay fiican tahay, haddii aad qof xanuunsan isbitaal ku booqanaysid, taxaddar dheeraad ah samey, marka aad galayso iyo marka aad ka soo baxaysane gacmahaaga ku dhaq biyo iyo saabuun ama daawooyin loogu talagalay qeybaha isbitaalka qaarkiis.

Maxaa keena infekshanka?
Infekshanka waxa keena marka ay bakteeriya ka soo gasho jirkaaga meel aanay ahayn inay ka soo gasho, tusaale ahaan:
Nabar ama dhaawac furan – oo ay ku jiraan dhaawacyada
• ka yimaadda marka lagu qalo.
• Iyadoo ay soo raacdo qalabka daawyanta ee jirkaaga lagu rakibay ama lagu muday – sida irbadaha lagu mudo halbawlayaasha ama tuubbooyinka la geliyo kaadi haysta "Kateetar".
• Marka aynu neefsanno – isla sida aynu u kala qaadno hargabka.
• Marka aynu wax liqno – haddii ay bakteeriya ku taallo faraheenna ama ku jirto cuntadeenna , taas oo keeni karta sumaynta cuntada.

Sidee ayuu infekshanku uga dhacaa Isbitaallada?
Infekshanku wuxuu ka dhici karaa meel kasta, hase yeeshee dadka buka ee isbitaalka ku jira ayaa halis u ah cudurrada taas oo ay sabab u tahay:
• Iyagoon caafimaad qabin..
• Marka la qalayo.
• Iyagoo ah dad da’ ah.
Tusaalayaashaasi waxay hoos u dhigaan difaaca dabiiciga ah ee jirku cudurrada iskaga celiyo sidaa darteed ayaa laga yaabaa inay bakteeriyadu iyaga jirkooda gasho.
Infekshannada ka dhacda isbitaallada ama meelaha kale ee la midka ah ee daryeelka caafimaadka waxa loo yaqaannaa infekshanka xiriirka la leh daryeelka caafimaadka.
Ka ugu caansani waa MRSA, oo u taagan Methicillin Resistant Staphylococcus Aureus.
Xanuunka kale ee isna caanka ah waxa keena jeermiska Clostridium difficile or C.difficile.

Waa maxay infekshannada loo aaneeyo daryeelka caafimaadka?
Haddii aad tahay qof buka ama aad imanayso isbataalka, u sheeg shaqaalaha haddii:
• Aad isbitaal gashay 12 kii bilood ee la soo dhaafay.
• Haddii hore laguugu sheegay inaad qabto cudurka MRSA.
• Haddii uu hore kuu dhacay cudurka shubanka ee jeermiska C.difficile.
• Haddii uu ku hayo shuban iyo/ama hunqaaco inta aan lagu dhigin isbitaalka ama intaad isbitaalka ku jirtay.

Sidee ayaad gacan uga gaysan kartaa in laga hortago infekshanka?
Haddii aad isbitaalka qof ku soo booqanayso waa muhiin inaad:
• Isticmaasho aalkoloda gacmaha la mariyo markaad gelayso ama aad ka soo baxayso qolka bukaan jiifka ama waa inaad isticmaashaa saabuun iyo biyo haddii aad soo booqanayso qof qaba cudurka jeermiska C.difficile.
• Waa inaadan soo booqan isbitaalka haddii aad bukto ama haddii aanad hubin u sheeg mid ka mid ah kalkaaliyaasha.
• Haddii aad rabto inaad carruur keento isbitaalka, fadlan marka hore arrintaas u sheeg kalkaaliyaha, oo ha keenin haddii ay bukaan.

Baaritaan
Si aad gacan uga gaysato xadaynta fiditaanka cudurka MRSA waxa laga yaabaa in lagaa baaro markaad isbataalka soo gasho ama lagugu baaro qaybta baarista.
Taas waxa ka mida dheecaan laga qaado sanka, hunguriga iyo dhuunta oo loo diro shaybaarka si looga baaro inaad qabto MRSA. Taasi waa nidaam aan dhibaato lahayn.
Haddii dheecaanka lagaa qaaday wax laga helay oo aanad weli isbitaalka gelin waa lagula soo xiriiri doonaa haddii ay daruuri noqotana waxa la qabanqaabin doonaa in lagu daweeyo inta aan isbitaalka lagu dhigin.
Haddii aad isbitaalka ku jirto, waxa lagu siin doonaa daawayn waxana laga yaabaa in lagu geeyo meelaha dadka lagu karantiilo (isolate).

Karantiilka (Isolation)
Haddii uu kugu dhacay infekshan dadka kale la qaadsiin karo, tusaale ahaan, C.difficile, waxa lagu dhigi doonaa qol hal qof qaada ama waxa laguu gudbin doonaa qolka xadaynta infekshanka.
Taasi waxay ilaalinaysaa dadka buka ee kale, dadka soo booqda iyo shaqaalaha waxana si fiican kuula socon doona kooxda xadaynta infegshanka.

Sidee ayaad gacan uga gaysan kartaa ka hortagga infekshanka?
Aalkoloda gacmaha lagu masaxaa waxba kama taro cudurka C.difficile.
Haddii aad qabto C.difficile ama aad soo booqanayso qof qaba, waa inaad gacmahaaga ku mayrtaa saabuun iyo biyo.

Aalkoloda gacmaha lagu nadiifiyo ayaa laga helaa isbitaallada badanaa albaabkooda iyo sariirta qofku hurdo madaxeeda.
Kama filayno dadka buka ama dadka soo booqanayaa inay shaqaalaha waydiiyaan inay gacmahooda nadiifiyeen hase yeeshee mararka qaarkood shaqaaluhu waxay noqon karaan qaar mashquul ah, sidaa darteed, haddii aanad arkayn inaannu qof gacmihiisa nadiifin ama aad u arkayso inay illaaween fdlan xusuusi inay nadiifiyaan.
Waxba kuma jabna haddii aad shaqaalah ka dalbato inay gacmahooda nadiifiyaan inta aanay ku daryeelin.

Nadaafadda
Dhammaan qeybaha isbitaalka maalin walba waa la nadiifiyaa si aad ahna waxa loo ilaaliyaa heerarka nadaafadda.
Waxaa la isticmaalnaa daawada jeermiska disha oo ku salaysan chlorine (bleach).

Halkaan ka akhriso waxa uu yahay infekshanka MRSA ee laga qaado Isbitaallada (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2432.0.html)

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)