Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ilhin on December 22, 2016, 09:52:05 PM

Title: Su'aal: Baalasha indhaha?
Post by: Ilhin on December 22, 2016, 09:52:05 PM
Waxaan heytaa wiil 11jirsanaya hada waa wiil kulul qaylo badan .marmarka qaarkood wuxuu ku cayaaraa kabaha .marmarka qaarkood wuu isla sheekeystaa.hada waxuu bilaabey inuu indhaha baalashiisa rifo oo uu xabad ku reebin.waxaa iga haya warwar badan markaan iska hadlo anigu waan isla hadlaa xanuunkaasi waan ku garaadsadey.waxaa igu adag nadaafada jirka iyo madaxa.waxaan kale oo heystaa wiil sidaa isula hadla oo jira 8yrs.markaan ka hadlo ka weyn oo indhaha xanuunaya waxaan geeyey dhaakhaatiir badan waxay isoo siiyaan dawo dhiiqo ah iyo mid la cuno waxba se kama tarin 3jeer baan mari hada xalku maxuu yahey dhakhter mshadsanid
Title: Re: Su'aal: Baalasha indhaha?
Post by: SomaliDoc on March 06, 2017, 05:00:05 PM
Weli ma u geysay dhakhaatiir ku takhassusay cilmu-nafsiga caruurta "Child psychologist", ilmaha waxay u baahan yihiin in la diraaseeyo, lala sheekeysto, la qiimeeyo jir iyo maskax ahaan si loo ogaado cillada nuuca ay tahay.
Title: Re: Su'aal: Baalasha indhaha?
Post by: Ilhin on March 18, 2017, 03:35:26 PM
Asc waan ku salaamay marka hore marka xigan dr aniga oo ah hooyada isla hadasha ayaa isla hadal ilaa intaa garaadsadey wali dr uma tagin laakin waxaan ahey hooyo korineysa caruur madax xanuun daran baan dareemaa wey igu adagtahey korinta caruurta iyo nadaafada .waan ku guursadey anoo xanuunkaa qaba caruurta waan ku dhaley anoo isla hadlay maalin iyo habeen walba wakhti kasta waxaan ka sheekeyta wax jira iyo waxaan jirin oo anigu sameystey markaa miyaa waalnahey maxaad igu la talin laheyd waa mAxey xanuunka caruurta qaarbaa isla hadla cadho ama xanaaq miiran nadaafada jirku wey igu adagtahey seen yeel dr
Title: Re: Su'aal: Baalasha indhaha?
Post by: SomaliDoc on June 21, 2017, 02:14:28 PM
Isla sheekeysigu ma ahan cillad maskax, waxaa jira isla sheekeysi aan xanuun ahayn oo aad ka akhrisan kartid qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6459.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6459.0)

Midda kale, culeyska kaa saaran dhinaca korinta caruurta iyo nadaafadda, la talin ayaad uga baahan tahay ee nagala soo xiriir qeybta messages-ka ee Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/messages/ (https://www.facebook.com/HealthySomalia/messages/)