Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Hbboy on February 17, 2019, 09:45:58 PM

Title: Su'aal: Isla qaadashada daawada iyo liinta?
Post by: Hbboy on February 17, 2019, 09:45:58 PM
Asc dr in badan waxaan maqlaa qof qaato/ u socoto  daawo in uusan u dhawaan liinta
Liinta wa vitamin maxay dadka u dhahaan waxey burineysaa ama ka hortageysaa daawada?
Title: Re: Su'aal: Isla qaadashada daawada iyo liinta?
Post by: SomaliDoc on November 17, 2019, 12:53:13 PM
Liinta aan la la qaadan daawada ma ahan tan dhanaanta ee tan bambeelmada, afka qalaadne lagu dhaho "Grapefruit", taas ayaa daawooyinka badanaa ka dhigto mid aan waxtarayn, laakiin liin dhanaanta waad isticmaali kartaa iyadoo daawo kuu socoto, waxtarka liin dhanaanta iyo caafimaadka laga helo ka akhriso casharkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6699.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6699.0)