Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdikani on March 02, 2011, 10:39:34 PM

Title: Su?al: Maxaa ka jira in dhibatooyin xaga ragnimada uu leeyahay prednisolone-ka?
Post by: Abdikani on March 02, 2011, 10:39:34 PM
maxaa ka jira in dhibatooyin xaga ragnimada uu leeyahay prednisolone-ka
Title: Re: Su?al: Maxaa ka jira in dhibatooyin xaga ragnimada uu leeyahay prednisolone-ka?
Post by: Dr. Acromion on March 03, 2011, 01:25:49 AM
Prednisalone waxay soo hoos gashaa nooca dawayooyinka la isku yiraahdo Corticosteroids waa daawo aad u yareesa inflamationka, waxaana loo isticmaalaa cuduro badan , sidaa darted waa in laxushmeeyo waxtarkaas oo dosageka ugu yar waxna tari kara laisticmaalo , mudada ugu gaabana la isticmaalo ,  marka aad joojineesidna aad latashato takhtarkaaga oo aad joojisid adoo sii dhimaayaa dhooska marba markii ka dambeesa ilaa aad dhameesato dosagka.

Wax cadeenaya majiraan in Prednisalone ay waxyeeleeso raganimada, dhibaatooyinka ugu waa ween oo ay keenaan Corticosteroidska (including prednisalone ) waxaa kamid ah ;

1.   Misaankaaga oo kordha
2.   Jirka oo ceshta cusbada iyo dareeraha taasoo keenta barar (Edema)
3.   Pressureka dhiiga oo kor u kaca sababo laxiriira qodobka 2aad.
4.   Sonkorow
5.   Lafaha oo qafiifa, heer ay gaaraaan in ay si fudud ku jabaan. ( Osteoporosis)
6.   Cataracts ( cudur indhaha ku dhaca)
7.   Finan wajiga ka soo baxa iyo qeeba kale oo kamid ah jirka
8.   Maqaarka jirka oo khafiifa  
9.   Difaaca jirak oo yaraada........Cuduro badan oo infection ah ayaa si sahlan u soo weerara qofka.
10.   Nabarka caloosha ( stomach ulcers)
11.   Cuduro psychological ah ............sida depressionka
Iyo kuwo kale oo badan.


Waxaa jirta in Corticosteroidka (Prednisaloneka) loogu waco , ''steroids''  maxaa yeelay chemical stuctureka ayaa saas u sameesan , sidaa darteed waxaa laisku qaldaa daawo loo isticmaalo in xoog lagu koriyo oo lagu dhiso  murqaha......waxaan looyaqaanaa........... ANABOLIC STEROIDS  oo sida badan loogu waco '' steroids''  kuwaas oo khasaaro badan geesta , tusaale ahaa; Kansarka beerka, dhiig kar, xiiniiyaha oo shuuqa, raganimada ( oo aheed suaashaada), dumarkana waxaay u geesataa; codkood oo noqda sida raga mida aad u waaween, wajiga oo ay ku yeeshaan timo sidii shaarbah ama garka, isbadal ku yimaada caadada.