Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Haweenka => Topic started by: SomaliDoc on November 03, 2017, 02:53:33 PM

Title: Cilladaha Keeno Caado Wareerka & Uur La'aanta!
Post by: SomaliDoc on November 03, 2017, 02:53:33 PM
(http://somalidoc.com/Topics/caadowareer.png)

Bismillah,

Waxaan casharkaan kaga hadli doonnaa cabasho aan ku soo bandhignay boggeena Facebook, taasoo u qornayd sidatan:
Quote
"Ma isku aragtay dhabar xanuun iyo caadada oo soo daahdo, markay timaadane ay aad u yar tahay, naasaha oo qoyaan caano u eg ka yimaado adigoo aan uur lahayn, ilmana nuujinayn, hammi yari iyo isu-tagga sariirta oo xanuun ku dareentid, wajiga oo finan iyo xaad ka soo baxaan iyo uur la'aan in muddo ah?"

Inta aan u guda galin faahfaahinta cilladaan, waxaan rabaa in dhowr arrimood u caddeeyo akhristayaasha, sababtoo ah asxaab badan ayaa nala soo xiriirtay iyagoo aaminsan inay cilladaan qabaan, laakiin waraysi kadib cilladoodu ay noqdeen arrimo kale.



Intaas kadib, haddii aan u gudbo casharkeena maanta oo ku saabsan cilladda caado wareerka oo ay la socdaan dhalmo la'aan ama dilan joogto ah, xaad wajiga ka soo baxdo, naasaha oo caano soo galaan iyadoo uur iyo nuujin toona jirin, wajiga oo finan joogto ah yeesho, hammin yari iyo galmada oo xanuun lagu dareemo, welwel iyo diiqad joogto ah iyo cayil aadan isku aqoon jirin. intaas oo isla socdo waxay astaan u tahay laba cudur oo badanaa la isku qaldo oo kala ah:


Haddii aad dareensan tahay in arintaadu ay ka duwan tahay cilladaha aan kor ku soo xusay ama aad u baahan tahay latalin khaas ah oo ku saabsan mid ka mid ah cilladahaas igala soo xiriir qeybta messages-ka ee boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/ (https://www.facebook.com/HealthySomalia/)
Caafimaad buuxa baan idiin rajaynayaa.

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
Title: Re: Cilladaha Keeno Caado Wareerka & Uur La'aanta!
Post by: Moha bashiir on August 01, 2018, 07:47:12 PM
Asc Doctor waan ku salaamay walal salaan kadib waxaan kaga mahadcelinayaa sida hagar la'aanta ah oo aad cilmaaga oola bar-bar taaganthy bulshadaada somaliyeed waxaan ilaahay kuu weydiinayaa in uu cilmaaga kuu barakeeyo...

Intaas kadib Doc waxaan in aan ku weydiiyo su'aal cafimaad

Dhamaadkii bishii april waxaan soo dilanty xaaskeyga waalala'tacaalay mudo yar kadib dilankii ayaa dib u soo beermay lkn xanuun buu la yimid dhaqtar bey tagty scan/ama Computer bey isa saarty kadib waxaa loo sheegay in ilmaha ay beermeen markale oo ay uur 3 week ah tahay waxay'se kula taliyeen in iska soo xaaqdo maadama ilmaha ay dhib badan muteen oo in ay kabsadaan ay waqti qadaneyso iyaduna uu xanuun ku hayo kadib wey iska xaaqday Daawooyin bey qadaty xanuunkii iyo dhacaankii wey ka bogsaty ,
bishii jun bilowgedii waxaa ku dhacay Cadadii weliba 2-ba mar oo isku xigta waxaan u maleynayaa maalmo in ay u dhaxeyeen labada Dhiig kadib wax caado ah oo ku dhacay ma lahan waxaan u qaaty in ay uur qaaday waxaan ka qaaday kadida waxay igu dhaheen Negative waxaan sugay week kale hadane markale ayaan ku celiyay sidii hore' waxay noqoty Negative waqtiga uu dhiiga ku dhici jiray waxuu ku dhacaa 28-ka dabcan waxuu dhiiga ka maqan yhay ku dhawaad 4 xili,,

marka Doctor maxaad nagula talineysaa maxaan sameynaa waxaase cilad ah oo jira mahadsanid