Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abucabdi on April 09, 2016, 08:49:08 AM

Title: Su'aal: Subaga iyo hilibka libaax badeedka (indho buur)
Post by: Abucabdi on April 09, 2016, 08:49:08 AM
Asc
Bacda salaan waxan rabaa inaan ku waydiiyo dr waxan ku arkay xeebta dad libaax badedka oo fara badan kala baxaya beerka markan waydiyay waxa layiri subag aya laga sameeya waxan loo isticmaala caafimad ahan iyo miisan dhimid.
Marka arintas maxa ka jira ?
Title: Re: Su'aal: Subaga iyo hilibka libaax badeedka (indho buur)
Post by: SomaliDoc on April 24, 2016, 02:51:59 PM
Saliida beerka ee libaax badeedka waxaa loo adeegsan jiray daawo ahaan weligeedba, libaaxyo badeedka way noocyo badan yihiin, waxaa la sheegaa laba nooc oo ka mid ah ayaa faa'idada lagu sheegaa.

Waxaa saliidaan loo adeegsadaa xanuunka kansarka dhiigga ku dhaca, ku daaweynta waxyeellada daawoyinka kansarka, hergabka, iyo cudurrada maqaarka ku dhaca.

Weli cilmibaarisyo arrimahaan xaqiijiyo ayaa loo baahan yahay.