Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ridwaanhaaji114 on April 17, 2016, 10:40:48 PM

Title: Su'aal: Hormoneska cabbirkii laga qaadayna waa kan?
Post by: Ridwaanhaaji114 on April 17, 2016, 10:40:48 PM
Asc ditoore adoo aad u mahadsan waxaan jeclaan lahaa in su'aasheyda aad toos iiga jawaabto oo aad iigu xawilan jawaabahii hore ee thyroidka laga bixiyay waana soo wada aqrisannay marka su'aashayda waxay tahay xaaskayga aya la nool thyroidkan marka hormoneska cabbirkii laga qaadayna waa kan tsh:0.70miu/ml
                T3 : 2.01ug/dl
                T4 :10.37ug/ml
3sano ayay la nooshahay wax daawana may qaadan wuuna soo kuusanyahay marka ditoore maxaa ku talinaysaa ma habboontahay in laga saaro maxaana lagula tacaali karaa hadaan la saari karin
Title: Re: Su'aal: Hormoneska cabbirkii laga qaadayna waa kan?
Post by: SomaliDoc on April 29, 2016, 10:28:42 PM
Inta aan laga saarin waa in laga qaadaa dheecaan ama ungyo lagu ogaanayo waxa bararka keenay iyo nooca thyroid-ka uu yahay.
Sida baarista ka muuqato, TSH-ku waa dabiici, T3 way hoosaysaa, T4, waa borderline, waxay calaamadahaan astaan u tahay cillada loo yaqaano "Thyroiditis", taasina badana qalliin laguma xalliyo illaa in xal kale la waayo mooyee, fadlan la xiriir dhakhtar aqoon u leh daaweynta cilladaan.