Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Guud => Topic started by: SomaliDoc on February 19, 2008, 10:57:23 PM

Title: Sonkorta Dhiigga ee Hooseysa (Hypoglycemia)
Post by: SomaliDoc on February 19, 2008, 10:57:23 PM
(http://somalidoc.com/Topics/hypoglyc.png)

Sonkorta dhiigga ee hooseysa macnaheedu waa inaadan lahayn sonkor kugu filan ama gulukoos dhiiggaaga ku jirta, sonkorta dhiigga ee hooseysa waxaa loo yaqaannaa hypoglycemia.
Sokorta Glucose-ta waxaa looga baahan yahay unugyada jirkaaga. Heerka sonkorta dhiigga caadiga ah waa 70-100. Heerka sonkorta dhiigga ee ka hooseysa 70 way hooseysaa.

Sababaha
Mararka qaarkood sababta lama yaqaanno, laakiin waxaa laga yaabaa inay ka timaaddo:

Calaamadaha
Waxaa laga yaabaa inaad dareentid:

Daryeelkaaga
Marka sonkorta dhiiggaagu ay dhacdo, waxaad u baahan tahay inaad cunto ama cabto cunto sonkor leh.

Haddii aad qabtid cudurka macaanka, sidaan samayn:
Sonkorta dhiiggaaga ku hubi 15 daqiiqadood. Haddii sonkorta dhiiggaagu ay weli ka sii yar tahay 70 ama haddii aadan ka soo raynin, cun ama cab qaadasho kale oo cuntadii ama cabitaankii la soo sheegay.
Marka sonkorta dhiiggaagu ay tahay 70 ama ka badan, waxaad weli u sii baahan tahay inaad wax cunto si aad sonkorta dhiiggaaga uga ilaaliso iney mar kale hoos u dhacdo.

Si aad uga Hortagtid Sonkorta oo Hoos u Dhacda

Haddii aad ka mid tahay dadka mar walba sokortoodu ay dhacdo:

Cilladaan waxaa badanaa lagu qaldaa, astaamaha la dareemo markuu qofka xanaaqo taasoo ay isku astaamo dhaw yihiin, Fadlan akhriso qoraal ku saabsan xanaaqa xad dhaafka ah iyo siduu jirka u saameeyo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6563.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6563.0)

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)[/list][/list]
Title: Re: Sonkorta Dhiigga ee Hooseysa (Hypoglycemia)
Post by: Shire on October 30, 2015, 03:30:05 PM
adbad umahasantihin suaashayda ugu danbaysa waxay tahay hadi an iska isticmaalo dawadaaas ad kor kuso qortay oo ad dhahday dhididka ayay yaraysaa ano isbaarin wax dhib ah miyay ikenikartaaa?
Title: Re: Sonkorta Dhiigga ee Hooseysa (Hypoglycemia)
Post by: SomaliDoc on November 04, 2015, 10:43:46 AM
Inta aadan isticmaalin daawo waa in aad dhakhtar la kulantaa marka hore.
Daawadaan kama mid ahan daawooyinka sida tooska ah loo gato ee loo yaqaano "Over-the-counter medicines"
Title: Re: Sonkorta Dhiigga ee Hooseysa (Hypoglycemia)
Post by: Shire on November 04, 2015, 01:32:18 PM
mahasanidin in badan
Title: Re: Sonkorta Dhiigga ee Hooseysa (Hypoglycemia)
Post by: Abdalla22 on February 23, 2017, 12:10:32 AM
asc dhamaan dhaqtarada
alle ayaa mahad leh noo fududeeyey aaladan faaidada badan sidoo kale mahadsanidiin dhaqaatiirta somaliyed alle ha idiin dhowro aakhiro iyo aduunba
astaamahan aad soo xustay ee sonkorta dhacda aniga ayaa bilahan isku arkay waanae dareensanaa inay wax qaldanaayeen xagga dhiig kar ama sonkorta
 dhaqtar waan la xiriiray lkn wax cilad ah ima sheegin
ciladaan waxaa dareemaa marka aan shaqo culus hayo xogaa gaajona dareemo
wareer iyo indhaha oo caad fuulo kadib hadii aan wax cuno caadi ayaan iska noqdaa 30 daqiiqo kadib
suashayda dhib intee la eg ayeey ladahay sonkorta dhacda aan ka ahyn wareer iyo indhaha oo caad fuulo
wax yeelo kale oo dheeri ah haday jiraan
thanks all doctars
Title: Re: Sonkorta Dhiigga ee Hooseysa (Hypoglycemia)
Post by: Muna O.Hamari on February 23, 2017, 12:41:32 PM
Asc
Dr Waad Mahdsanthy Wan akhristey casharkaagii Ka dib waxaa iga baxay astaamaha qaar baan nafteyda ku arkey isla markaana  gabar walaashay ah oo qaadato daawoyinka Nerve system daawooyinka ay qadatona waxa ka mid ah (RISPERIDONE REMEDICA 2MG , LEV-end 500 mg , DEPAKINE 200 MG BAINTO kuli waada TABLET ........ Marka way cayilneed wuxuu yiri baruurta ka ilaaliya badan iyo cuntooyinka dufan ka leh iyo macaanka badan jimicsi ha sameyso ha shaqshaqeyos oo fadhiga badan ha iska ilaaiso  Hadaba su,aasheydu daawooyinkaasi ma sameeyn karnaa Low Blood glucose iyo anigoo cuntadii badnaeyd xakameyney? muddo labo bilood ah ma wacan xaalkeedu?
Title: Re: Sonkorta Dhiigga ee Hooseysa (Hypoglycemia)
Post by: Gantaal on January 31, 2018, 12:36:34 AM
Aslaamu caykum waraxmatulaahi wabaraktuhu

Salaankadib Dr waxaan isku arkay  3 jeer oo kala  fog fog  in indhaha caad iga fuulo  waliba  dhinaca ka soo billlabmaya  ood moodo sida guluubka korantada  diciif ah u big big leeyo oo kalemudo yar kadibna uu iska baa ba aa marmar cuntaan cunay kadiba ilahi baa iga sii qaaday mararna saan isaga joogo buu iska un buu illahi iga sii qaada marka sonkor hoosaysa  iyo mid kacsan toona layguma sheego markaan iska cabiro talo iga siiya jizza kumulahu khayr
Title: Chairman ma hooseeya mise?
Post by: Duurgube on February 22, 2019, 08:54:55 PM
5.0 ma hooseeya mise weli wey yar macaan tahay