Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Raaliyo on August 29, 2010, 04:30:38 PM

Title: Su'aal: dhaaxan saaid baan dareemaa?
Post by: Raaliyo on August 29, 2010, 04:30:38 PM
A/S dhaman bahwaynta somali doctor iyo walalaha soomaliyeed oo soo gala webkaan aniga waxaan weydiinayaa suaal walalkeey somali doctor ama dhaqatarada kale waxaan rabaa in aad iga siisaan jawaab deg deg ah oo ah waxaan dareemaa dhaxan saaid ah mar wala haba igu darnaato waqtiga qaboowga ama a soo dhacdo dhaxan yar waxa dareemaa inana jareeryo oo aa u adkaysan waayo xataa hadaan isa saaro sadex buste markaa walal waxay igu haysaa murugo arintaan bal iga soosii jawaab tafatiran iyo waliba waxa keena jiradaan qaboowga ah iyo waliba maxaa daawo loo qaadan karaa bal ila soo gaar talo ama wax sheeg .

                                                

                                                                      Thankx
Title: Re: Su'aal: dhaaxan saaid baan dareemaa?
Post by: Ahmed khamsa on August 30, 2010, 04:22:57 PM
salaam walaal dhaxanta saaid ka ah (cold intolence) waxaa keeno cuduro dhowr ah sida hypothyrodism [oo qufka dareemo daal misaankoo bato iyo xaar adeeg ] sidoo kale dhiig yaradi , iyo cudurada vasoconstriction keena , ee fadlan iska baar HBga haddii farahaaga barafyihiin ama aad astaamaha hypothyrodismka leedahay la tasho dhartar aaggaaga ka dhaw
   sidoo kale mararka qaar malahan wax sabab ah oo waa shey nafsi ah ama perception oo haddii aad iska dhaadhiciso inuusan qaboow jirin qabowgu wuu tagaa insha alah wallaahu aclam