Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on November 27, 2016, 09:48:06 PM

Title: Cunnooyinka Laga Qaado Kansarka (Digniin)!
Post by: SomaliDoc on November 27, 2016, 09:48:06 PM
(http://somalidoc.com/Topics/gmo.png)

Bismillah,

Sida la wada ogyahay waxaa dunida aad ugu soo badanayo cudurka kansarka noocyadiisa kala duwan, waxayna cilmibaarayaashu badanaa sababta la xiriiryaan isbadallada ku dhacay nolosha bini'aadanka iyadoo la cunayo cunno caafimaadka u daran, la neefsanayo hawo caafimaadka sun ku ah, la samaynayo caadooyin iyo dhaqamo u daran caafimaadka bini'aadanka.

Awal waxaa la aaminsanaa in cudurka kansarka uusan ka hortag lahayn, laakiin waxyaabo badan oo la ogyahay ayaa jira maanta oo dadka lagula taliyo inay ka fogaadaan, waxyaabahaas waxaa ka mid ah cunnooyinka qaarkeed, kuwaasoo cilmibaarayaashu ay sheegeen in cudurka kansarka xiriir la yeelan karaan:


Sidee looga fogaan karaa halista cunnooyinkaan?
Haddii aad u fiirsatid liiskaan kore waa cunnooyin aan si dabiici ah usoo bixin oo bini'aadan farsameeyay ama uu wax ka badalay, taas ayaa ka dhigayso mid halis ku ah caafimaadka, waxaa mahad Alle ugu sugnaatay inay yihiin cunnooyin laga fogaan karo khaasatan haddii aad ku nooshahay wadamada aan ku tiirsanayn cunnooyinka la warshadeeyo, badankoodne waa cunnooyin dibadda noo laga keeno sida yaanya shiishiidka, cabitaannada SODA-da iyo cunnooyinka gacan rimiska ah.
Cunnooyinkaan badankeed waxaa ka dambeeyo shirkado waawayn oo caalami ah, kana awood iyo dhaqaalo badan wadamo badan, waxayna ku bixiyaan malaayiin doollar maalin kasta oo xayaysiin iyo suuq geyn iskugu jira si loo gaarsiiyo meelo badan oo dunida ka tirsan, loona abuuro dad badan oo ku tiirsan badeecadahooda.

Cunnooyinkaan waxay aad u saamayn ogyihiin caruurta yaryar iyo hooyooyinka uurka leh, fadlan qoyskaaga kala dagaallan cunnooyinkaan si ay caafimaad u helaan, mahadsanidiin.

Aqoon u yeelo cudurka Kansarka:http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1073.0

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid ku soo dir qeybta su'aalaha:http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
Title: Re: Cunnooyinka Laga Qaado Kansarka (Digniin)!
Post by: Maaji29 on November 28, 2016, 04:07:24 PM
Su'aasha taagan waxaythay dalkeena waxaan kacunaaa qudaar faresh ah lkn waxaad kusoodarty yaanyo shiishiida oo kale dadkeena bdnaaa wey isticmaalaaan marka sidayna iisheeg aan iska ilaaalinkarnaaaa