Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: CilmiSabca on August 22, 2011, 12:06:06 AM

Title: Su'aal: Waa maxay Indhaha oo iska ilmeynaya bilaa sabab?
Post by: CilmiSabca on August 22, 2011, 12:06:06 AM
Asc? Doctor bacda slm, Inan yar (7yrs old) oo waxa inoo joogta marmarka qaar iska ilmeyneysa. Wax calaamad ahna kama muuqato mana xanuunsana waxna kama sheegato indhaha, waxayna aalaa ilmeysaa kolka ay dabeyshu is badasho iyo marka ay hawada soo galaan wax ur leh sida catar fresh ah, qiiq Iwm. Anaguna garanayno the why, weli se dhaqtar uma aynan geyn. Laakiin waxaan ku tijaabiyey indha kuul taas oo aan ugu indho-kuulay weyna joojisay ilintii, balse dhowr wiigba maq mar ayaanu ku aragnaa xaaladan, haddaba dhaqtar tani ma alarji baa? Mise vitamin A ayaa ku yar mise ??...... Thanks all. Rmdn krm.
Title: Re: Su'aal: Waa maxay Indhaha oo iska ilmeynaha bilaa sabab?
Post by: SomaliDoc on August 26, 2011, 09:15:07 PM
(http://somalidoc.com/Topics/ilin.png)

Indhaha oo iska ilmeeyo sabab la'aan waxa loo yaqaannaa "Watering Eye" waa xaalad u badan caruurta kana dhalato in ay xirmaan qanjirrada ilinta soo daayo.

Tani kaliya qasab maahan, wax waliba oo indhaha saameeyo sida cuncunka, caabuqa ama indho qalleelka iyagane way keenaan ilin joogto ah.

Calaamadaha lagu garto in arintaan ay ka dhalatay qanjirka ilinta oo xirmo waxaa ka mid ah in ay darsato markii qofka banaanka u soo baxo oo guriga ka soo baxo, waxaana uga sii daro qabowga iyo dabeysha.

Haddii ay ka timaado qanjirka oo xirmo waxaa kaloo lagu dareemi karaa kuus barar yar oo ka soo muuqdo geeska isha oo xigta sanka dinaciisa.

Marinkaan wuu iska furmaa xaaladaha qaarkood daawo iyo qalliin la'aan, laakiin haddii uu furmi waayo waxaa lagu sameeyaa qalliin, taasoo lagu furo marinka ama la sameeyo marin cusub ay ilintu marto.

Caruurta badanaa way ku dhalataa xaladdaan laakin markii ay gaaraan 1 sano wuu iska furmaa qanjirka ilinta.

Haddii cillada ilimeyntaan indhaha ay ka dhalatay allergic waxaa dareemeysaa, indhaha oo biya ka soo buuxsamaan, cuncun, dareemis in indhaha ay qashin kaaga jiraan iyo midabka indhaha qaybta cad oo is badasho.

Haddii aad ka cabanaysid cilladaan, fadlan la xiriir dhakhtar indhaha ah.
[ht]
Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)