Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ahmed114 on February 13, 2019, 09:38:18 AM

Title: Su'aal: Waxaan leeyahay wareer xilliga durayga?
Post by: Ahmed114 on February 13, 2019, 09:38:18 AM
Asalamu calaykum? Waad ku mahadsantihin walalayaal dadaalka aad umada ku caawinaysaan.
Waxaan rabaa inaad wax iga fahamsiisan xanuun. Waxaan yeeshaa xanuun wareer ah oo dhulku ila wareegayo (Vertigo) anoo jiifa, fadhiya ama taaganba. Waxaan isku arkay xanuunkan dhawr jeer. Waxuu igu dhacaa markaan xanuunsado sida duray igu dhacay. Waxaan ku roonaada jimicsi yar oo aan sameeyo (apley) markaan xanuunkan isku arko. Maxuu daawo yeelan karaa xanuunkan. Khatar caafimaad ma leeyahay maadaama uu inbadan igu soo noqnoqday? Wax dheecaan malaha dhagahaygu laakiin culays iyo xanuun yar ayaan ka dareemaa aroortii markaan soo tooso. Barkin adagna waan isticmaalaa. Mahadsanidin.
Title: Re: Su'aal: Waxaan leeyahay wareer xilliga durayga?
Post by: SomaliDoc on November 10, 2019, 12:34:57 PM
Badanaa fayrasyada keeno durayga ama ifilada waxay kaloo saameeyaan, xubin dhegta gudaheeda ku jirto oo qaabilsan balance-ga qofka, cilladaas waxaa loo yaqaanaa "Labyrinthitis", astaamaheedane waxaa ka mid ah wareer iyo guux dhegta ah.

Haddii cilladaan mar walba oo hargab kugu dhaco ay kugu soo laalaabato waxaan kugula talin lahaa inaad dhakhtar cunaha iyo dhegaha ku takhassusay la xiriirtaa si lagaaga fiiriyo dhegaha "ENT doctor", waxaa dhici kara inay jirto cillad kale.

Aqoon u yeelo waxyaabaha kale ee keeno wareerkaan aad dareemayso inuu dhulka kula wareegayo, sariirta kula gadoomayso ama guriga kugu soo dumi raboo kale ee loo yaqaano "Vertigo" iyo waxa ay kaga duwan tahay wareerka kale: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6234.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6234.0)