Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Janaale on November 17, 2016, 12:00:59 PM

Title: Su'aal: Shanlada ma lagu kala qaadaa bidaarta?
Post by: Janaale on November 17, 2016, 12:00:59 PM
Asc... dhamaan dhakhiirta iyo dadweynaha... salaan kadib dr wxan qabaa 2 suaalod oo kala ah:
1: bidaarta ma lagu kala qaadaa in la isticmaalo hal shanlo macnaha hadii sxpkaa bidaar leeyahy oo kle aaadna isla isticmashaan shanlada?
2: toonta subixii anoo aan wxba cunin markan tooso ma cuni karaaa? mise dhibatay keenaysaaa? jazaakaakumulaah.kheyr jazaaa.
Title: Re: Su'aal: Shanlada ma lagu kala qaadaa bidaarta?
Post by: SomaliDoc on November 17, 2016, 05:41:38 PM
(http://somalidoc.com/Topics/shanlo.png)

Bismillah,

Waa qoraal daba socda su'aashii ahayd "bidaarta ma lagu kala qaadi karaa shanlada oo la isla wadaago?"

Jawaabtu waa" Maya, laakiin waxaa jira dhowr cudur oo lagu kala qaadi karo shanlada haddii la isla isticmaalo, kuwaasoo kala ah:

Afartaas cudur ayaa la isku waafaqsan yahay in lagu kala qaado wadaagista shanlada, buraashka, koofiyadda iyo kulladda, inta ka soo hartay sida bidaarta, AIDS-ka, cagaarshowga iyo kuwa kale oo badanba laguma kala qaado.

Akhriso Cudurrada Lagu Kala Qaado Shumiska: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6655.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6655.0)

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)