Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Asma on December 09, 2016, 12:28:25 PM

Title: Su'aal: Sanka cadka ku samaysma?
Post by: Asma on December 09, 2016, 12:28:25 PM
asc
aad baad u mahadsantahay dictoore waxaan ku weydiin lahaa waxaan ka jiranahay sanka waxaan leeyahay cubudh badan badanaa xiliyada sanku i xidhanyahay waxaa sankayga kasoo baxda ur aad u qadhmuun sidoo kale sankaygana wakhtiga uu marxalaas ku jiro waxba ma urin karo oo qadhmuun iyo udgoon ba si fiican iiguma urayaan
waxaan iskaga shaki sanahay in sanka cad iigaga yaal ee ila tali dictoore dhakhaatiir badan oo somaliya joogana waan u tagay
Title: Re: Su'aal: Sanka cadka ku samaysma?
Post by: SomaliDoc on January 18, 2017, 06:23:35 PM
Sida aad u tilmaantay astaamahaaga waxay u badan tahay in aad qabtid xanuunka loo yaqaano "Caabuqa Sanqada", akhriso qoraal ku saabsan xanuunkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5636.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5636.0)

Cadka ka soo baxo sanka badanaa ma keeno neefta oo urto laakiin cabbur ayaad dareemaysaa inkastoo ay dhici karto in labada cillad ay isla socdaan, wayna dhacdaa mararka qaar, akhriso qoraal kuu faahfaahin doono astaamaha lagu garto in hilib sanka kaaga yaallo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5630.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5630.0)