Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Salaado cali on October 03, 2015, 09:40:04 PM

Title: Suaalo ku saabsan hooyada uurka leh
Post by: Salaado cali on October 03, 2015, 09:40:04 PM
Dr waad mahadstihiin shaqada aad noo haysaan intaa ka dib 1 suashaydu waxay tahay waxaa jira dumar barfaka aad ucuna maraka ay uurka leeyihiin maxay dhib u gaysan krtaa ilmaha iyo hooyada 2maxaa sabaab ilmaha aan soo daganin xilga foosha sii dhamaan rabto oo hada toosan qaabjiifkiisa (cephlic positation)3waxaa jira hooyooyin ilmahooda ku koraan uurka aygoo waxa badan cunin ama ayagu caatoobaabyaan ilmahunu uu koraayo iyo hooyooyin aad u cuno cunada  oo buuran ilmhuhuna marku dhasho  aad u yaryah maxaa sababa taas marka 4bamka caanaha hooyooyinka isga lisaan waxa dhibaato ah ma u gaysan karnaan hooyooyinka isticimaala 5hooyada marka ay dhalaan waxay ku xirtaan caloosho waxa dhib ma u keesan krtaa caafimdkeeda thanks drs
Title: Re: Suaalo ku saabsan hooyada uurka leh
Post by: SomaliDoc on October 05, 2015, 12:33:18 PM
1- Barafka jawaab laga bixiyay halkaan ka akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6012.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6012.0.html)
2- Ilmaha aanan soo dagin foosha uu dhamaad ah, cunugane uu toosan yahay waxaa keeni karo in madaxa cunuga uu wayn yahay ama kafka hooyadu uu yar yahay, labadaas cilladood ayaa ugu weyn, xaaladu haddii ay saas noqotane waa la qalaa hooyada si loo kala badbaadiyo.
3- Korriinka uurjiifka kuma xirno miisaanka hooyadu oo wuxuu ku xiran yahay sida uu u helo nafaqo ku filan, inkastoo caafimaadka hooyadu ay muhiim u tahay korriinka uurjiifka laakiin waxaa dhici karto cillado kale oo keeni karo in ilmuhu nafaqo darro ku koraan xilliga uurka, waxaa kaloo muhiim ah in la ogaado in cuntada oo la yaraysto xilliga uurka in ilmaha ay yaraynayso miisaankooda sida haweenka qaar ay aamisan yihiin, akhriso qoraal ku saabsan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1653.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1653.0.html)
4- Haddii ay hooyadu caanaha ku bataan way iska lisi kartaa wax dhib ahne uma keenaan.
5- Haddii hooyadu caloosha ay maro ku xirato foosha ka dib wax dhib ma keento oo waxay ku caawisaa minka inuu aruuro, xanuunkane wuu ka yaraadaa, caafimaadkane wax uma dhibto.