Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Adenyare on October 20, 2017, 05:14:05 PM

Title: Su'aal: Infekshanka xubinta taranka?
Post by: Adenyare on October 20, 2017, 05:14:05 PM
Asc Dr salan kadib su al infaction xanunka LA dhaho xubinta taranka raga dhacan miyu uyelaa ama se qoyan marka LA toojiyo
Title: Re: Su'aal: Infekshanka xubinta taranka?
Post by: SomaliDoc on November 19, 2018, 08:28:09 PM
Caabuqa ku dhaco xubnaha taranka wuu badan yahay, badankoodne galmada ayaa lagu kala qaadaa, qaar ka mid ahne waxaa astaan u ah in ibta malax ama dheecaan ka yimaado, labada cudur ee ugu caansan astaantaan waxaa la kala dhahaa:
1- Jabtida (Gonorrhea), akhriso cashar ku saabsan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1030.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1030.0)
2- Kalamiidiya (Chlymedia), akhriso cashar ku saabsan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1040.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1040.0.html)