Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Sayid on April 04, 2017, 08:21:01 PM

Title: Su'aal: Layliga Yoga & Xoojinta Aragga?
Post by: Sayid on April 04, 2017, 08:21:01 PM
Asc wr wb. Dhammaan salaan suubban ayaa ku salaamayaa dhakhaatiirta sida mutadawacnimada ah u hawl gala mareegtan qiimahan badan ee Somalidoc uguna adeega bulshadooda kala duwan ee ku kala nool daafaha adduunka. Sida oo kale waxaan salaan iyana aan u dirayaa  bulshada soomaalida ah ee sida joogtada ah ugu xidhan mareegtan ee ka faa'iideysta.

Intaa ka dib dhakhaatiirta waxa aan wayddiin lahaa su'aal. Maadama ay dadkeennu aad u dawaadaan Tv-yada sida oo kalena ay u u isticmaalan mobileda oo iftiin iyo shucaac badan soo daaya, kaasoo waxyeello badan u geysta dhanka awooda aragga ee indhaha amaba  indhaha u  sababa daal iyo daciifnimo saameesha taas oo khatarteeda leh. Marka aad arrinkanna daawadiisa ama soo celinta aragga aad raadiso waxa aad arkeysaa iyada oo lagula talinayo in aad sameyso 'Layliga Yoga ee Xoojinta araga"  taas oo aad loo sheego inuu awoodda aragga iyo daalkaba uu xal u yahay marka layligan la sameeyo.

Hadda ba su'aasheydu waxay tahay: layligani ma yahay mid aan khuraafaad ahayn oo la aqoonsan yahay? Hadduu jiro faa'iido intee leeg ayuu laga heli karaa isticmaalkiisa, mase leeyahay khasaare  saameeya   qofka isticmaala?

Linkgan ayaa ka hadlaya layliga aan ka hadlaayo: http://www.improveeyesighthq.com/eye-yoga.html (http://www.improveeyesighthq.com/eye-yoga.html)

Waxaan rajeynayaa inaad iga jahli saari doontaan su'aashan. Mawle ha idin dhawro mahadsanidiin.
Title: Re: Su'aal: Layliga Yoga & Xoojinta Aragga?
Post by: SomaliDoc on July 17, 2017, 12:35:12 PM
Waad ku mahadsan tahay su'aashaada ku dhisan cilmi kororsiga..

Jimicsiga indhaha waa arrin jirta, dhakhaatiirtu qaarne way adeegsadaan laakiin waxa loo adeegsanayo ayaa xaddidan, wayna ka duwan tahay midda Yoga, indhaha waxaa ku jira murqo aad u yaryar oo hoshoodu tahay inay isha dhaqdhaqaajiyaan, kontaroolaan waynaanshaha iyo yaraanshaha bikaacda ama cadasada isha, hadduu mruqahaas wax gaaraan, aragga fog ama aragga dhaw ayaa daciifo, sidoo kale dadka weershaha ah ama qaba xanuunka squint-ga iyagane waa loo adeegsadaa, laakiin midda aad tilmaantay oo ah in araggii uu awood yeelanayo oo dhaawacii iftiinka badan uu gaarsiiyay ay ka baaba'ayso, maahan arrin cilmi ahaan loo xaqiijiyay ama la isku waafqsan yahay, hal mid waa laga yaabaa taasoo loo yaqaano "Eye fatigue" taasoo ka dhalatay waxa loo yaqaano "Eye strain" oo ah in dhaha joogto loo isticmaalo, kadibne ay daalayso, taasi weli salka waxay ku haysaa awoodda murqaha indhaha oo daciifayo, qofkane indhaha ayuu ka daalayaa sida aad ka arki kartid diraasadaan: https://www.ncbi.nlm.nih.gov/pmc/articles/PMC4932063/ (https://www.ncbi.nlm.nih.gov/pmc/articles/PMC4932063/)